Смотреть в Telegram
Drs Asma
𝐗𝐚𝐪𝐢𝐢𝐪 𝐣𝐢𝐫𝐭𝐚.
🍁
Ninka: xaaskeyga wey adagtahay iney wax dhasho.
🌼
Dadka: naag kale guurso maxaa ka ag haynee naag aan waxba kuu dhaleyn.
😍
🍁
Naagta: ninkeyga ilaahey amarkii wey adagtahay inuu wax dhalo.
🌼
Dadka: u sabar ilaahaa idin siin doona ducada badso dhaqtar isla aadaa.
😥
🍁
Ninka: naagteyda wey xanuunsantahay oo howlaha guriga xataa ma qaban karto.
🌼
Dadka: iska fur ee mid kale guurso naag xanuunsan oo ku daryeeli karin maxaa ku falee mid yaroo caafimaadkeedu taam yahayaa heleysaa.
😍
🍁
Naagta: ninkeyga waa xanuunsanyahay oo shaqo ma aado bilahaan soo socda biil la'aan ayaan noqoneynaa.
🌼
Dadka: usabar xanuunka ilaahaa keenaye shaqo raadso reerkana biil, asagana ku dadaal intuu ka caafimaadayo, gurigana howshiisa qabso oo naag nool iska dhig.
😥
🍁
Ninka: naagteyda wey madax adagtahay war igama maqasho wax aan ku sameyo ma aqaan.
🌼
Dadka: war iska fur ee naag kale guurso.
😍
🍁
Naagta: ninkeyga wuu i dilaa wuuna i af lagaadeeyaa waliba waxba ima siiyo dhar iima gado biilkana wuu nagu yareeyaa.
🌼
Dadka: usabar ilaahaa soo hadeyn doonee ilmahaagana korso waxaas wax makaa dhibayaane.
😥
🍁
Ninka: naagteyda wey cayishay oo sidi hore iima cajibiso waa areebo oo wey foolxumaatay markey caruurta dhashay, naagti quruxda badneed een guursadayba ma ahan.
🌼
Dadka: iska fur ee naag ka qurxan guurso.
😍
🍁
Naagta: ninkeyga wuu isbadalay oo balwad ayuu yeeshay oo dhar qurxan oo nadiif ah ma xerto oo wuu foolxumaaday ninki qurxanaa een isguursanayba ma ahan.
🌼
Dadka: usabar ninkaaga waaye hadduu foolxunyahay iyo hadduu areebay yahay xataa sidiisa ku hayso awal maa wajiga ku xeraneysay.
😥
Maxaa mar walba nimanka loogula taliyaa in ay xaaskooda iska badalaan sida kursi dhamaaday oo la badalayo, dumarkana loogula taliyaa in ay ku sabraan mushkiladda haysata!! Waxa uu ninka u sabri karin ee naagta u sabar la leeyahay sidey u xamili kareysaa
😥
Waa sababta dumar badan ayagoo kalabar cumrigooda gaarin ay u duqoobaan
😥
murugta iyo nolosha adag ee usabarta la leeyahay ayaa da' aysan gaarin gaarsiisay oo xanuun aan lala dareemeyn ku abuuray
😥
Intey bulshadeena sidaa u fikireyso horumar la gaari maayo. Drs Asma
😢
🫶
🦋
🌼
Поделиться
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств
Запустить