Waxaa la sheegaa in nin yahuudi ah uu soo maray tuulo ay degenyihiin dad muslimiin ah wuxuuna go'aansaday in uu diinkooda ka shakisiiyo ,inta uusan tuulada gelin ayuu arkay nin xoolo dhaqato ah oo muslim ah ,deedna ninkii yahuudiga ahaa oo muslim iska dhigaya ayaa ku yiri ninkii muslimka xoola dhaqatada ahaa "ka muslimiin ahaan xifdinta qur'aanka dhib ayey nagu tahay sababtoo ah wuxuu ka koobanyahay 30 jus,waxaa ku jira aayado iskuwada eg ee kawaran hadii aan aayadahaas isku eg aan hal xabo kasoo reebno inta kalana aan iska tuurno"
Ninkii xoola dhaqatada muslimka ahaa ayaa yiri hadalkaadu waa qurxoonyahay balse su'aal ayaan kuwaydiinayaa , adiga jirkaada soo malahn waxyaabo isku eg sida:laba indhood,laba lugood,laba gacmood,laba dhagood , maxaad isaga goyn weysay kuwaas Laba labada ah maxaa yeelay hal xabaa kugu filan
Ninkii yahuudiga ahaa islamarkiiba alaabtiisa ayuu gurtay wuxuuna yiri hadii kii reer miyiga ahaa sidaan yahay culimada iyo dadka magaalada joogo waxaba kama qaban karo wuuna iska noqday isagoo dulaysan oo niyad jabsan.
Ujeedku waxaa weeye in qofka meel walba uu joogo uu wax ka barto diintiisa si aan looga fidneyn ama aan shaki looga gelin,inaad magaalo joogto oo wax walba ay sahlanyihiin barashadooda hadana inaad jaahil ka ahaato diintaada waa dhibaato.
#xigashoWll nagu soo biir
☺️👇👇👇👇👇@dayaxiimaalmaha