Смотреть в Telegram
the book of How to think like Leonardo de vinc Qeybta 1aad dhalinyaro manta waxaan isla akhri doonaa bug indhaweyd shelf(meesha buugaagta la saaro ) ii saarnaa oo magaciisu la yiraahdo "how to think like Leonardo de vinci . Aqoonyahankaan de vinci wuxuu ahaa mid ay afkaartiisu ku dheehan tahay caqli badnaan , hal abuur , iyo karti iyo wxaad dareemi inuu aaad uGu horeeyo xiligiisa . wuxuu ahaa qof isku darsaday farshaxan ,saynisyahan ,injineer . wuxuu sawiray sawirada uGu caansan wakhti xaadirkaan sida mona lisa ,the last supper , sawiradaasna marka aad fiirisid waxa ay ku tusayaan sida uu ahaa qof aad u yaqaan waxa uu qabanayo . dhalinayaro kaliya kuma uusan ekaan farshaxanka wuxuu sidoo kale xiiseyn jiray wax kasta sida uu jirka biniaadamka u shaqeeyo , sida shimbiraha ay u duulaan xitaa wuxuu sawiray helicopter xiligaasna xitaa gaari ma jirin iska daa wax duulee . aqoonyahankaan waxaa caado(habit) u lahaa inuu gacanta ku hayo buug yare (note book ) si uu uGu qoro fikradaha kusoo dhaca inta uu wadad socdo , wax kasta oo uu arko (ogoow dabeecada(nature) waa aqoon haddii aad loogu fiirfiirsado ) . wuxuu rabay inuu adduunkaan u fahmo si qoto dheer , sida u shaqeeyo , yaaa maamula , ma awood tan aan u jeeedno ka baxsan ayaa jirta. iwm ayuu ah mid mar walba is weeydiin jiray wuxuu ahaa mid aad u jecel inuu barto waxyaabo kala duwan taas oo ka caawisay inuu aragtiyooyinka isugu xiro qaab cusub taasna waxa ay ka dhigtay cabqari {genius ). sahminta dhinacyo kala duwan iyo xiiseynta aqoonta dhinac kasta ha ahaatee oo cilmi ah waxa ay inoo horseedi kartaa ineynu helno afkaar cusub . daahfurnana wax ka qarsoonaa biniaadamka . haddaba habit kasta waa la abuuri karaa . Bal ka fikir haddii hab-nololeedkii iyo habkii waxbarasho ee Leonardo da Vinci uusan ahayn wax waqti dheer soo maray oo laga tagay , balse uu yahay wax aad adiga noloshaada maanta ku isticmaali karto. Leonardo kuma uu dhalan , qoyskiisana ma aheyn kuwo caqli badan oo ximad badan , balse guushiisu waxay ku timid saddex caado oo muhiim ah 1:curiosity : Curiosity waa xiisaha iyo rabitaanka qofku u qabo inuu wax cusub ogaado ama fahmo. Marka qofku wax uu is weydiiyo ama uu doonayo inuu ogaado sida wax u shaqeeyaan ama sababta ay wax u dhacaan, waxaa la yiraahdaa waa qof curious ama xiiseeya waxbarashada iyo ogaalka. Tusaale ahaan, haddii aad aragto shay cusub ama aad maqasho arrin aad horey u aqoonin, oo aad rabto inaad wax badan ka ogaato, waa astaanta curiosity. Qofka xiisaha badan waxa uu markasta raadiyaa jawaabo iyo faham cusub, wuxuuna ku dadaalaa inuu wax badan barto. 2:Observation :Observation waa daawashada iyo fiiro gaar ah u yeelashada waxa kugu hareeraysan si aad u barato ama aad u fahanto. Marka aad wax u fiirsato, waxaad arkeysaa faahfaahinta iyo qaabka ay wax u shaqeeyaan. Tusaale ahaan, haddii aad beerta u baxdo oo aad si taxaddar leh ugu fiirsato geedaha, dhirta, iyo xayawaanka ku nool, waxaad arkeysaa waxyaabo badan oo aad horey u ogaanin. Observation waa inaad waqtigaaga ku bixiso daawashada iyo barashada waxa ku hareeraysan adiga oo aan degdegin, si aad u fahanto sida wax u dhacayaan ama sababta ay u muuqdaan sidaas. 3:The pursuit of knowledge waa raadinta iyo dedaalka joogtada ah ee qofku ugu jiro inuu aqoon cusub kasbado ama uu ballaariyo fahamkiisa. Waa rabitaanka iyo u heellanaanta uu qofku ku doonayo inuu wax badan ka ogaado, fahmo aragtiyo kala duwan, iyo inuu barto waxyaabo uu hore u aqoonin. Qofka ku jira "pursuit of knowledge" waxa uu mar walba xiisaynayaa waxbarashada iyo helitaanka aqoon cusub. Wuxuu is weydiiyaa su’aalo, buugaag buu akhriyaa, waayo-aragnimooyin cusub buu raadiyaa, wuxuuna isku dayaa inuu fahmo wax kasta oo cusub oo ku hareeraysan ama dunida guud ahaan. Waxaa la oran karaa waa jidka uu qofku ku kobciyo naftiisa, aqoontiisa, iyo xirfaddiisa, isaga oo aan marna ka daalin barashada.
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств