Murti io gabayo😊❤️

Канал
Логотип телеграм канала Murti io gabayo😊❤️
@Murti_iyo_gabayoПродвигать
908
подписчиков
18
фото
4
ссылки
TapLiiQ pAn ahaYy cizhQiga Tabiy£ khurUuzhka TaLow miYan cid paxeYn 🥺❤️
К первому сообщению
- Addinkani sallaadiyo
- Aqimkaad maqlaysaan
- Waa cawo adduun iyo
- Ayaan iyo nasiib ee
- Eebbaheen u mahad naqa!




ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ❤️🤲
- Laqwi iyo xumaan kuma hadlo,been ma laasimo e.
- Runa waanba kaLa leexaniyo, qowl lilaahiyaa.
!!





Aun dhoodaan
● Dir-dir la isu laayiyo intaan
weerar daba joogno
● Ooy dumarku weerkii sitaan
danabadii waayey
● Uu sida dureemada u yaal
meydku dibaddiinna
● Wallee doogsan maysaan haddaad
dunida joogtaane
● Dugsi male qabyaaladi
waxay dumiso mooyaane...!!!


Abwaan timacadde.❤️🦁
https://t.center/dunida_caazhaQa



Link ga channel keena share ma dhihi karnaa si uu dad badan u gaadho.❤️🙏
- Dunidu waa ruug cadaa
- Sadkeeduna waa rafaad
- Nin ragi waa meel xun joog.!
-Dhibaatiyo adoo gaaja qaba, dhaxanta jiilaalka
-Dhool caano laga soo lisay oo, yara dhanaanaaday
-Nin dhadhamiyey waa garanayaa, dhul ay qaboojaane
-Ragga laxaha sii dhawrayoow,dhaqasho waa geele❤️🐪
Qaadka | Hadraawi


Uub baad ku jirtaa Qarsoone.
● Kasoo baxa iilka qaadka.
● Aduunka raggow Mar kaalay.
● Abuurtiyo heega daawo.
● Awoodaha zaaran daawo.
● Falaadkiyo arabadeeda.
● illah sarihiisa daawo.
● Udbaha iyo teedka daawo.
● Aloolka ku jeeran daawo.
● Hogoogta aslayso daawo.
● cadceeda ifaysa daawo.
● ilwaadka iyo nuurka daawo.
● Abaabul cadaanta daawo.
"Alloow yaa dantaa luud yidhaa loox yaraad tahaye!”
🚶🏽‍♂️

__
Cabdi gahayr.
● Samaatada Ninkii raadiye ee sebanno gaajoda.
● Safrad iyo baqool iyo lug iyo suudi iyo guure.
● Saldha adag waxay kaa gasho iyo surin cidhiidhyoonba.
● Mar uun buu ilaah siinaya oo uu midigta saara.
● Hayeeshee saansaan bay rabtaa sidaas markay tahay.!



Abwaan Dhoodan.
Aynu u ducayno qoysaska ay geeridu ku timiday, kuwa dhaawaca ahna alle weyne ha u boogo dhayo.😢

War murugadiisa wata ayuu ahaa😭


Alle ha unaxaristo inta ku dhimatay qaraxa xeebta liido ka dhacay .
Inta dhawaca ahna Alle ayaan caafimaad dagdag ah u waydiinay.😭
Gobonimo ninki beeciye sayladaha geeya waxa u kuso gadanaya sow gunnimo maha.!


?
- adiga unban ku jabee
- Horta aar ban ahaa
- Nin ehel badan ban ahaa
- Aarsiga jecel ban ahaa
- Nin laab adag ban ahaa
- Aftag badan baan ahaa
- adiga iga keenzade
- haweenka uman nugleyn.!
︎Kuma imanin caashaqu ab iyo isir awoowaad e
︎Waa dareen illaah ku alkumo unugga laabta ahe
︎Kashan Eebbe kuu idmay intaa waad ka oradaaye
︎Ma anaa asbaabaha jacayl inkira qaybtood
︎Ma anaa af sheegtaha xidhiidh addima goor baas
︎Mise waa addoonsiga nafluhu eersan jiray waa!

︎Unuggaygu kuu yahaan aqaan amar illaahay e
︎Hablahaba ayaan-laay hortaa hadal lama ekayn e
︎Ubucdayda laabtiyo qalbiga waan irkinayuune
︎Inkaar iga guratayaa iyo may iigu orridaaba
︎Albaabada qalbiga gala adi kugu ammaanee!
- Hurdo iyo sahraay jiifka.
- marka hore sariir raadi.
- salli iyo furaash dayday.
- saddexdaba hadad waydo.
- lama zeexan kari waayo.
- hadda saantu qodox maaha.
- suugaantu gogol weeye.



Abwaan Hadraawi (AHUN)
- mataqanid beente runta barashadeeda balo kaa hor joogta.!



Abwaan gaariye
- Sidii hooyada kuu dhashay ayaan wali howli ku imane
- hadhuubkii laguu buuxiyad haysata waliye
- aduunba hagoogane xarago laga humbaaleeye



Cabdi-gahayr
GABOWGA

Todobaatan iyo toban miyaan, tiriyey waageyga
Sida wiil tarada ceel marshay oo, timaha deebeeyey
Tin madow miyaan laga dayeyn, aniga tuurkayga
Ma talaabadaan la qadhqadhoo, tiigsin luga mooday
Ma tukubay siddii habar tu kale, tuugmo ugu jeeda
Bowdada miyaan tuujiyey iyo, adhaxda tiirkeeda
Taf-madow haddaan qaadan jiray, maro tilmaan dheer leh
Tartarada miyaan qeyd ku xidhay, taako labadeed ah
Barkin luqunta kuma tiirsho iyo, tolone baarkiise
Ma dhagtaan tagoogada gashaday, siddii aniga oo tuug ah
Wax martidu tamadisaa ninkay, toos u hoyataaye
Tulugiis miyaan la igu arag, tuludi waa geele
Naaguhu ninkaan tuujinhayn, waa timlahayaane
Taf miyaanan rogi hayn siddii, cudurku ii taabay
Torog maalintaan fuuli jiray, tahartu weynaatay
Col tirtirihii anigaa lahaa, tabayo duulaane
Guuraha anays taagi jiray, idil tilmaanteede
Haddaan weerarkeedii tognay oon, toon kasoo didinay
Iba-toosan leeyeey haday, na hor tislaynaysay
Tog biyo leh haddaan keenay oon, koron ku taysaynay
Sidaan wax u tabayn jiray miyaan, taabi kari waayey
Allahayoow tahliishii janaan, adiga kaa tuugay

__
Adan Gurey
GABOWGA👇
- Cad haduu carada kaga dhaco
Amase cidobo
- Caqli nimuu ku waynyahay Ma cuno calafka qarkiise
- Anigana caruuraha yaryari Waa iga caynkaa
- Maxaan aadan carab kala hadlaa Caaqil baan ahaye


- caLi dhuux
ٖ. 🤝🏼

"Hiil iyo Ninkaan Hoo Lahayn hadalna kuu goynin

Haybtiisu waxay kuu tartaa hadimo weeyaan e"
Ещё