View in Telegram
Qormooyin
WAX KA OGOW SIRAHA AWOODDA 1. Ha isku dayin inaad qofka kaa sareeya ama booskaaga aad isaga dhigto mid ka aqoon iyo maskax badan, waayo waxaa laga yaabaa inaa shaqadaada halkaas ku weydo, wixii aqoon ah laabtaada ku heyso waayo aqoonta umaad baran inaad dadka isugu xariifiso. 2. Aad ha u aaminin asxaabtaada kalsoonidaada oo dhana ha siin, waayo waxyaabo badan ayey kaa yaqaanaan, si fududna wey kuu khiyaameyn karaan haddii aanad ka digtoonaan, kamana wadno in saaxiibadaada oo dhan ay qiyaanoolayaal yihiin. 3. Qari oo ha muujin hadafyada aad nolosha ka leedahay, waayo cadawgu waa badan yahay laga yaabaa ineyba guriga kula joogaan sidoo kale ay saaxiibadaa ku jiraan. Dadku wey arki doonaan markaad xaqiiso hadafkaa weyna kuu hambalyeeyn doonaan. 4. Ha yaraado hadalkaagu, hadalkaagu hadduu bato waxaa hoos u dhacaya qiimahaaga iyo sidoo kale shakhsiyadaada. Laakiin haddii hadalkaagu yaraado aad ayaa loo daneynayaa loona dhago nuglaanayaa. 5. Waxyaabo badan ayaa ku xidhan sumcadaada iyo karaamadaada sidaa daraadeed ilaasho. Haddii wax sumcad darro ah aad sameysan qof kasta faham xun ayaa uu ka heysanayaa, mana jrri doonto cid kusoo dhaweysaneysa. 6. Dadka ku kalif iney iyagu kuu yimaadaan oo kusoo raadsadaan badalkii aad adigu raadsan jirtey una tagi jirtey. Dulucdu waa ha noqon qof meel kasta jooga, meel kastana taagan, waqti kastana la heli karo. 8. Hadaafyadaada ku muuji ficil oo hakaa muuqdaan, badalkii aad dadka uga sheekayn laheyd kan iyo kan aan sameeyey iyo kanaan ahey. Dadka indhahooda ayaa u markhaatiya. 9. Qofka dantiisa ka tus hawlaha aad rabto inuu kuu qabto. U sheeg in haddii hawshan qabto uu waxyaabahaas ka faa'idi doono, haddii kale waxa uu isu arkayaa inuu adiga uun kuu shaqaynayo. Iska dhig xariif magaalo. 10. Noqon shakhsi aan la saadaalin karin, dadku laga yaabaa iney kugu mashquulaan kuguna dawakhaan waxaa tahay, waxaa qabato, meeshaad ku nooshahay, sidaa u nooshahay iyo sidoo kale waxaad aaminsan tahay, waayo dadku waxay jecel yihiin iney dadka wax ka ogaadaan. 11. Ha isku dayin inaad cadowgaaga ka fogaato oo xayn daab yarna aad isku soo xidho, waayo haddii aad dhexgasho waxaad ka ogaaneysaa macluumaad si aad isu difaacdo, mana ogaan karaan inaad ku dhex jirto. 12. Waxaa heli weydo kasoo qaad inaad u baahneynba, haddii aadan sidaa sameynin werwer iyo niyadjab ayaa ku jiri doontaa.
@Qormooyiin
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start