View in Telegram
SIDEE LOO DOORTAA TAKHASUSKAAGA JAAMACADDA ? Waa arrin culays ku ah arday kasta, oo aysan si fudud ugu suura geli karin inuu doorto waxbarashada jaamacadeed, taasoo ku haboon xiisihiisa, awoodiisa aqooneed ama dhaqaalaha qoyska iyo weliba sida ay waxbarashadaasi ardayga ugu suuro geli karto inuu ku shaqaysto mustaqbalka. Inta badan, isku dayashadu waa sida ugu badan ee ay ardaydu wax ku doortaan. Taasna waxaa sabab u ah saameynta saaxiibadu isku leeyihiin. Xayeysiisyada iyo hardanka Jaamacadaha ayaa iyana maanta saamayn weyn ku leh doorashada ardayda. Haddii aan soo koobo qodobada aasaaska u ah doorashada waxbarashada jaamacadeed waa: 1. Xiisaha: Maxaad xiiseynayaa inaad barato? Runtii qofku waxa uu xiiseeyo way sahlanaataa inuu wax ka barto. Xiisuhu waa waxa keena inuu qofku hawl ku dhaqaaqo. Inkasta oo ay Soomaalidu tiraahdo xiiso iyo xubo way baaba'aan, haddana xiisuhu waxaa furaha waxbrashada. 2. Doonista: Maxaad doonaysaa inaad barato? Mararka qaarkood waxaa dhacda, in ardaydu ay doonayaa inay bartaan wax aysan xiisayn. Tusaale ahaan arday ayaa necbaa barashada maadada xisaabta markii uu dugsiga sare dhiganayey, haddana doonaya inuu noqdo injineer. 3. Awooda Aqooneed: Maxaad awood u leedahay oo aad baran kartaa? koorsooyinka waxbarashada jaamacadaha waxay u baahan yihiin aasaas adag. Tusaale, ardayga raba inuu barto caafimaadka, waa lagama maarmaan ah inuu aqoon buuxda u leeyahay aasaaska maadooyinka bayolojiga, kimisteriga iyo kuwo kale. Sidoo kale aqoon intee le'eg ayaad u leedahay afafka wax lagu baranayo? Ardaydu waa inay fahmaan guusha waxabrashadu waxa ay ku xiran tahay awooda aqoonta ardayga ee aan kor kaga soo hadalnay. 4. Shuruudaha: Sida caadiga ah, waxbarasho kasta oo jaamacadeed waxa ay leedahay shuruudo, haddii lagugu xiro iyo haddii kaleba. Marka su’aashu waxa ay tahay waxa aad doonaysid ma buuxin kartaa shuruudihiisa? 5. Dhaqaalaha: Qoyskaagu ma bixin karaa dhaqaalaha ku baxaya waxbarshadaada? Waa arrin muhiim ah oo loo bahan yahay in arday kasta tixgeliyo dhaqaalaha qoyskiisa inta uusan dooran waxbarasho jaamcadeed. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa:” Dani waa seeto”. Haddaba ardaydu waa inay ogaataa, awooda dhaqaale ee qoyskoodu inay tahay waxa xadidaya waxbarashadooda. Inta badan ardaydu wax kuma dhisaan dhaqaalaha qoyskooda. 6. Shaqadaada: Inta aadan go’aansan waxa aad ku baranaysid jaamacada, is weydii fursadaha shaqo, ee aad ku gaari karto waxa aad baratay? Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu doorto waxbarashada heerka jaamacadeed waa sida aad ugu shaqaysan karto wixii aad baratay ama aad shaqo ugu heli karto. 7. Xaggee wax ka Bartaa?: Marka ardaygu dooranayo jaamacad uu wax ka baranayo, waa inuu ogaadaa aqoonsiga jaamacada (Accreditation), adeega ay jaamacada bixiso (university service), magaca iyo sumcada jaamacada (reputation and rank), bixinta maadada aad baranyso iyo qiimaha. Ma dalka ayaad wax ka barataa mise dibada? Haddii aad doonayso inaad dibad wax ka barato, ugu horeyn tixgeli dhaqaalaha qoyskaaga, tan xigta helida dal-ku-galka (visa) iyo in waxaa aad rabo inaad barato dalka laga helin ama si fiican loogu baran. W/Q:Cabdiraxmaan Shiikhdoon Cali @Qormooyiin
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily