View in Telegram
SIDEE UGA QAYB GELI KARNAA DOODAHA ? 1. Natfaada waa inaad taqaanid: Dad badan marka ay dood galayaan waxay u galaan oo keliya iney fal celin sameeyaan ama dooda qofka kale uga imaaneysa iney difaac ka galaan. Si aad dooda marka horeba ula qabsato waxaad u baahan tahay inaad fahamto nuxurka iyo waxa uu ka hadlayo qofka kaa soo horjeeda ama dooda aad la galeyso balse haddii aad aqoonba u laheyn waxa laga doodaya waad ku fashilmi doontaa doodaas. 2. Waa noocee niyadda aad ku galeyso doodda: Haddii saaxiibkaa dood gashaan oo aad ka doodeysaan siyaasadda, laakiin niyadaadu tahay inaad dooda kaga adkaato, oo aad sidaa dood u gasho waad khaldan tahay, niyadda aad dooda u galeyso waa iney tahay mid aad kala faa'ideysataan oo doodu laba dhinac yeelato, maaha keliya inaa ku fikirto inaad ka guuleysato qofka dood wadaaga tihiin. Waa iney isku mid kuu noqoto inaa dooda ka hesho iyo in uu isagu kaa helo. Waxaa kale oo qaldan inaan sii qiyaasto qofka nala doodaya niyadiisa iyo waxa uu ka hadlayo oo aan u aragno inuu sax ahayn oo uu qaldan yahay, waxa laga yaabaa inuu hadhow kaa saxnaado. 3. Dhageysi wanaagsan: waxaa haboon qofka aad wada doodeysaan inaad si fiican u dhageysato si aad u dhuuxdo hadalkiisa una fahanto nuxurka waxa uu ka hadalayo. Dhageysiga wanaagsan waa inaad qofka la socoto jidh ahaan iyo maskax ahaan. Inaad qofka tusto inaad hadalkiisa daneyneyso. 4. Dareenkaaga soo jeedi: qofka doodu kaala dhexeyso waa inaad hadalkiisa diirada ku haysaa, qodobada uu ka hadlayo aad calaamadsataa si hadhow ugu soo celisid qodobadaa aad Isla ogoshihiin iyo kuwa aad isku diidan tihiin oo aad dood ka gashaan, haddii aad sidaa sameyn weydid laga yaabaa in waxyaabo badan laguu hoos geliyo adiga oo dareensaneyn. 5. U fiirso hadalkaaga: mararka aan xanaaqno hadalkeenna kor ayaan u qaadnaa, sidaa daraadeed yaan laguu maleyn inaad xanaaqdey ama cadhootey, markasta isku day inaad si caadi ah u hadasho. 6. Afkaarta la isaga mid yahay: waxyaabaha doodaheenna dila waxaa ka mida inaan soo horeysiino waxyaabaha aan ku kala duwanahay, waxaa haboon in marka hore lasoo bandhigo afkaarta la isaga mid ka yahay, wixii lagu kala aragti duwan yahayna si degan looga wada doodo, arrintaasi waxay ka qayb qaadaneysaa isu soo dhawaanshaha doodayaasha. Waxaa la isku hayo waxaa ka badan waxa la isu yahay. @Qormooyiin
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily