View in Telegram
• Farxadaadu waxay ku xiranatahy hab fikirkaaga • shil gaari ayuu ku dhintay lakin rali ayuu iga ahaa • abaal laawe • mise dunida ayaynu ku ilawney ? Kusali nabiga scw aynu iska bilaabano Daraasad khaas ah oo la sameeyay ayaa sheegay in 10% oo kaliya farxada aadamaha ay ka timaado waxyaalaha maadiga ah sida hantida, heerka bulshada iyo shaqada, halka 90% farxada aadamiga ay ku xidhan tahay caadooyinka fikirka iyo sida ay wax u arkaan. Intii lagu jiray daraasaddan, kooxda Jaamacadda Minnesota waxay waydiisatay lammaane isqaba inay si gaar ah u qoraan aragtidooda sannadkii hore. Gabadha : Sanadkii hore, ninkeyga waxaa lagu sameeyay qaliin xameeti ah, wuxuuna ku xirnaa sariirta muddo dhowr bilood ah, wuxuu gaaray da'da lixdan jir, sidaas darteed wuxuu ka tagay shaqadii muhiimka ahayd ee madbacadda oo uu ka shaqeynayay soddonka sano , aabihiina waa uu dhintay sandkas, wiilkeenuna wuxuu ku dhacay shahaadada koowaad ee jaamacadda, sababtoo ah wuxuu seegay waxbarasho muddo dhowr bilood ah, sababo la xiriira dhaawac ka soo gaaray shil baabuur. Dhammaadkii warqadda waxay qortay: Waxa uu ahaa sanad aad u xun!! Ninka : Sannadkii hore... Waxaan ka soo kabtay xanuunkii qadhaadhka ahaa ee sannado badan igu hayay, waxaanan gaadhay lixdan jir, waxaanan ku jiraa xaalad caafimaad oo wanaagsan, shaqadina wan ka faristay waxana firaqo uhelayaa wax qorista. Aabbahay waxa uu noolaa ilaa uu shan iyo sagaashan jirsaday isaga oo aan cidna dhibaato u geysan.Wuxuu ku dhintay shil baabuur isagoon naafo noqon iyo dhibaato la’aan raalina wuu iga ahaa. Wiilkayguna shil baabuur ayuu ka badbaadey dhaawacyadiisina si fudud ayuu uga bogsadey Ninku wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: wuxuu ahaa sanad uu Ilaahay inagu manaystay nimcooyin iyo naxariis , si wanaagsan ayuu noogu so dhamaaday. Dhacdooyinka isku mid ah... Laakin qof waliba waxa uu ku arkay fikirkiisa iyo heerka qanacsanantisa , natiijadiina waxa ay noqotay in midkood uu sanadka dambe farxad iyo mahad naq ku noolaado, ka kalena uu ku noolaado murugo noqdona abaal laawe . Abaal laawe Ilaahay SWT waxa uu tusaale weyn inooga dhigay suuradda Al-Cadiyaat Tusaale inaga dhigaya inaan nafeheena ka xishoono , taasoo uu Eebbe kor ahaaye ku dhaartay Al-Cadiyaat oo ah fardaha... Laakin Eebbe weyne kuma dhaarin fardo iyagoo taagan, balse wuxuu ku tilmaamay kuwo ordaya . Muxuu Ilaaha Qaadirka ah fardaha ugu dhaartay markay aad u ordayaan oo aad mooddo in laabtoodu dab ka ololayo? Illahay swt ayaa qaybtan dambe kaga jawaabi doona isla suradaas Markaas jawaabtii waxay noqotay mid yaab leh: " ان الانسان لربه لكنود "!!! (Insanku waa mid rabigii ku kufri badan / aan ku mahadin allah nimcoyinkisa ) Qur’aanka kariimka ahi waxa uu inooga warramay fardaha oo ka warramay xaaladdooda, ka dibna waxa uu si lama filaan ah ugu dhaqaaqay oo uu uga sheekeeyo xaaladda bani’aadamka ee Rabbigiis oo uu ku tilmaamay in uu yahay “kanud” oo uu ula jeedo mid aan ku qanacsanayn nimcooyinka Eebbe swt oo aan qaddarin. Maxaa keenay dhaqaaqa yaabka leh?! Ilaahay SWT waxa uu inoo sheegay in farduhu ay wax kasta u huraan madaxdooda, ama milkiilahooda Kaas oo kaliya quudiya, waraabiya, daryeela In kastoo ay xoog u ordayaan, rafaadna marayan haddana waxay ku soo dhacayaan bartamaha dagaalka, Hogaamiyeheedu ma abuurin maqalkeeda, araggeeda, ama qoobabkeeda midna kaliya wuu quudin jiray, wuuna waraabin jiray, wuuna daryeeli jiray. Haddaba bal ka warran allaha wax walba abuuray ee inagu manaystay nimcooyin muuqda iyo mid qarsoonba!! Miyaanay wax laga xishoodo ahayn in ay fardahaasi abaalka mulkiilahooda yaqaanan ugana mahadnaqaan adiguna aad abaal laawe noqoto ! aynu waxooga mahadnaq muujino si ay dadku wejiyadena uga arkaan dhoolla caddaynta ku qanacsanaanta nimcooyinka allah swt si aynu u soo noolayno cibaado aynu illownay oo aynu Ilaahay ku caabudno? Mise aduun ayaan ku ilawney sido kale ka racnay inagoon baaqi ku noqonayn ? Xagasho
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily