View in Telegram
سبيل النجاة_1
*BILASHADA ISU SOODHAWEYNTA DIIMAHA KA JIRA ITOOBIYA* * XILIGII MINGESTA [1974-1987] Nidaamki shuuciga ahaay ee mingesta ayaa isku dayay isu soodhaweynta diimaha kadib kala sareyn iyo ku tagri fal badan oo jiray xiligiisa ka hor; isagoo ka duulaya mabda'a quursiga diimaha. markii ugu horeysayne waxey soo shaac baxday markii la qorayay jadwal sanadeedka (taqwiimka) ciidaha ee diimaha wadanka. Muslimiinta waxey diiwaan gashteen 3 ciidood oo kala ah ciida fidriga, carafada, iyo mowliidka nabiga scw. Markaas kadib waxaa aqoonsi dowladeed helay muslimiinti ethopia oo wax xuquuq ah kulaheyn dowlada dhexe xiligii xeyla salaase. DHISMIHII MAGAALADA GODEY. Qorsheynta dhismaha magaalada godey ayaa bilowday xiligii xeyla salaase, kadib markow amray dhismaha guryo 6 ah oo kala ah : garoon diyaaradeed, guriga martida, kaniisada, haanta biyaha, school, iyo cisbitaal taaso gadaal loogu daray masjid kadib la talin dheer oo ey ka dambeysay siyaasad lagu manja xaabinayo shacabka muslimka ah ee deegaanka. DIIWAAN GALINTA DIIMAHA XILLIGII MILLS. Kala duwanaanta kirishtanka ethopia iyo isku duubnimada muslimiinta soomaali galbeed ee ku jira gacanta gumeytaha saliibiyada ethopia ayuu millis isku dayay diiwaan galinta diimaha iyago kiristan ku qortay inay ka kooban yihiin 6 diimood Xaga muslim ku qorten hal diin oo ah islaam kadib males oo ay dhibtay isku duubnida muslim ka iyo ku midaysnaan tooda halka diin ee islam ka ah ayaa isku dayay kala furfurida iyo qeybinta mujtamaca muslimkaa ee soomaaliyeed, sida in loo kala qeybiyo : ikhwaan, salafiyo, iyo suufiyo, mar kalane loo qeybiyo : shiico iyo sunni, halka mar kalane loo kala qeybiyo xaga madaahibta fiqigaa, taaso ku dhamaatay fashil. ka dib abiy ahmed ayaa keenay wareegto ah in la sameeyo dalad diimaha kulmida iyo dastuur hoosaadkeeda, iyo golaha fulinta oo ka kooban ilaa 35 qofood oo kala matalaya diimaha 7 eh ee waddanka. WAA MAXAY DIIMAHA 7da Ah? Kala duwanaanta bey ballka iyo kaniisada ayaa keentay in saliibiyada ethopia uqeybsanto ilaa 6 qeybood, oo lagu tilmaamo iney 6 diimood yihiin iyo diinta islaamka oo lagu 7 beeyo. .......... Xigasho.
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start