View in Telegram
1/7/1446. بسم الله الرحمن الرحيم Mahad oo idil waxey usugnaatay Allaah subxaanahu watacaalaa, rabbigii la gooni noqday kalinimada iyo cibaadada, sow ula kaliyoobayba abuurka iyo amarkaba, allaha badala wuxuu doono; xukunkiisane aan lagu cirbinin, ku asteysan sifaadka sarsare iyo magacyada suuban. Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato suubanaheena Muxammed isaga iyo ahalkiisa, asxaabtiisa iyo intii samaha ku raacdo ilaa aakhiro zamanka. Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu kitaabkiisa caziizkaa ku leeyahay : { قَاتِلُوا الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَلَا بِالْيَوْمِ الْآخِرِ وَلَا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ اللَّهُ وَرَسُولُهُ وَلَا يَدِينُونَ دِينَ الْحَقِّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حَتَّىٰ يُعْطُوا الْجِزْيَةَ عَن يَدٍ وَهُمْ صَاغِرُونَ } التوبة 29. Isu soodhaweynta diimaha ayaa ah falsafad kasoo jeeda giriigii iyo hindidii hore iwm, taasoona ahayn aragti ku dhisan wax asal diimeed sugan ah, kuna biya shubatay ugu dambeyn la dagaalanka kalinimada rabbi iyo inow kasoo can yahay makhluuqiisa. BILLOWGA ARAGTIDA Dadka xambaarsan aragtidaan mideyntaa ayaan udajiyay shuruud iyo tiirarka lagu soo galo diintan ma dhaleyskaa oo soo bilaabatay quruun fog ka hor dhalashadii nabi ciise c.s, taaso hadafka laga leeyahay tahay sidii looga gudbi lahaay khilaafaadka iyo kala duwanaanta diimeed, iyo in dadkoo idil lagu mideeyo diin caalami ah, kuna dhisan isisaamixid iyo is walaalsi. Markii uhoreyday waxey kasoo muuqatay hindiya qarnigii 9 ka hor dhalashadi nabi ciise c.s, taaso hindida loogu baaqay iney ku kulmaan hal ilaah, magacyada ilaahaa ayaa kala ahaay: baraahaama, faashno, iyo seyfaa. Waxaa kalo mideynta isku dayay jabaaneyskii kala heystay diimaha : buudiyada ,konfushiisiyah, iyo hinduuska, taaso ey kasoo saareen hal diin oo kulansatay masaalixda iyo ilbaxnimada diimahaas aan kor kuso xusay. Waxaa kalo sameeyay zaaraadeshti oo ahaay hogaamiyihii faarisiyiinta -eeraaniyiinta - qarnigii 6 ka hor miilaadiga, kaaso ku kulmiyay diin labo ilaah leh : ilaaha kheyrka iyo kan sharta. Waxaa kalo sameeyay akhnaatuun- aminxootibki 4-, kaaso ka mid ahaa boqoradii faraacinada masar uhoreeyay ayaa isagane ku kulmiyay shacabkiisa ilaah la yiraah " Aatuun" ilaaha qoroxda. Wuxuu leeyahay feylasuufka gariiga ahaay ee هيرقلطيس : " waa in caalamka dhan lagu kulmiyaa hal diin iyo dowlad caalami ah, kuna hoos noolaadaan hal calan; maadaama ey ka mideysan yihiin asalkii laga beeray, waana hal reer oo ku mideysan qaanuunka, caqliga iyo akhlaaqda , dhamaane waa ilmihii illaahey - تعالى الله عما يقولون علوا كبيرا- , iyo dhamaanteen inaan ku faano inaan nahay muwaadiniinta caalamkaan" . Aragtidaan ayaa socotay ilaa laga soogaaro soobixidii nabiga scw, taaso qureysh markey dhibtay gaaleysiinta nabiga ola yimaadeen qorsho ah mideynta diimaha, ilaah kastane sanad lawada caabudo si wada jir ah, ayuu ilaahey kasoo dajiyay suurada kaafiruun oo xididada loogu siibay damacoodii guracanaay, iyo in towxiid iyo shriki aanu kuwada kulmi karin shaqsi qurah halmar. fikradaas oo halkaas ku baaba'day in mudaa umada islaamkaa dhexdeeda ayaa waxaa dib usoo nooleeyay qarniyo kadib qaar ka mid ah suufiyada ku milantay falsafada yuunaanka, suufida masiixiyiinta iyo kuwa hinduuskaa, waxey asal unoqotay aragtida ah isdhaxgalka allaah iyo khalqigiisa, "وحدة الوجود". Wuxuu leeyahay zindiiqii weynaay ee xallaaj : " ogow in yahuuda, kirishtanka iyo islaamkaba iyo diimaha kalaba, ey yihiin naaneysyo kala duwan iyo magacyo isdiidan, laakiin maqsuudka iyo yoolkooda aanu isdiidaneyn, kalana duwaneyn isna khilaafsaneyn" د.شوقي، نقد 152.ابن تيمية للتصوف، صـ Waxey kor ukac fikradan sameyday markow qaatay "ibnu carabi" kaaso ku dhexfaafiyay muslimiinta iyo qeyrkoodba, ilaa loo aqoonsaday feylasuufkii weynaay. Waxaa kalo markale isku dayay boqoradii hindiya iney markale mideeyaan islaamka iyo hinduuska qarnigii 15 miilaadiga, taaso markii dambe loo aqoonsaday siikh, ama siingasiingo.
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily