View in Telegram
Kobciyaha garaadka
"Noloshaadu waa buug aad Alle ka hor akhrin doonto, maalinta qiyaame ee ka digtoonow inaad noqoto qoraa xun. Maanta sii qoro shay aanad barri dhibsan akhrintiisa. Inta aad nooshay buuggaagaasi gacantaada ayuu ku jiraa, waxaa sidoo kale gacantaada ku jira laabiista( tirtirada) dambi dhaafka ee, ku tirtir xumaanaha kaa dhacay. Gacmahaaga waxaa ku jira buug qiimi baddan ee ku qor qalinkaaga bogag wanaagyo ah. Qor bogag sadaqo ah, qor bogag samafala, qor bogag salaada, qor bogag soona, qor bogag sako a, qor bogag digri iyo xusa. Waa hubanti inaanu camal wanaagsan goyn karayn jannada Eebbe weyne xitaa Suubbannaheenu NNKH naxariista rabbigeen ayuu ku galayaa jannadda. Ogsoonaw camaladaas wanaagsani waxa ay soo jiitaan naxariista Alle( SWT)." Buugga Dhambaallada Qur'aanka.
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start