View in Telegram
Waayo ma jirto sabab uu ugu baahdo Wiil hadiise ay dhici laheyd in sax tahay Allaah ayaa wiil dhalay waxaa Sax ahaan lahaa in Aasaga lasii Dhalay opo uu yahay farac leh Asal ka horeeyay Taasna Diin ahaan iyo Caqli ahaan intuba Suura gal kuma ahan, waxaase isweydiin mudan muxuu Allaah kaga baahan yahay Wiil iyo wiilalba [waxa u sugnaaday waxa Samaayinka iyo ku sugan, Eebaana ku filan Wakiil] 5: Marka Xigtana sidee Nabi Ciise loo leeyahay waa Alle ama sadax Alle midkood waayo waxaa u ahaa Inasaan Caadi ah Asal ahaan iyo Suurad ahaan? Side suura gal ku tahay in Ruux baahanaya Gaajoonaya, Murgaayo, Haraadaya, Hurdaya, koraya jir ahaan, ama Cilmi ahaan, Ooyaya, Alaah baryaya u Tukanaya Rabi, cadawgiisa Eryanaayaan, Yuhuud dhibaateyneysay side suura gal ku tahay in la yiraahdo asagaaba Alle ah ama alle Shirko la aha waa in lala Caabudaa si loo helo Dembi dhaaf iyo raxmad, marka suuragal ma aha in la Caabudo nabi Ciise Diin qabtana ma jirto Caqliga Insaana fayoowma kuma saxna marnaba. Faahfaahimo ku saabsan Jumladaha yar yare aan Qodobka Shanaad ku sheegay sida inuu Cuno Cuno Cabo biyaha Hurdo Nabi Ciise iwm waxaa ay ku yaalaan Beeybalada kala Duwan ee Nasaarada Aaminsan yihiin. Waxaan kusoo gabagabeynaa Suuradaan Al-Ikhlaas waa Suurada yar laakiin Xambaarsan caqiidada ugu saxan ee loo baahan yahay Qofkii Liibaan iyo Raxmad Alle ka rajeynaya inuu ku Toosnaado, sidaa darted ayaa Suuradaan waxaa Fadli haan uu Sheegay Nabi Muhammad inay u dhiganto Qur’aanka sadax u Dhig xaga Macluumada ay xambaarsan tahay weynideeda darteed, waayo suuradaan waxaa gebi ahaanba ka hadashaa Sifada iyo Calaamada saxa ah ee Allaha Xaqa ah la gaarka yahay inta kasoo hartana waa Adoomo uu asaga leeyahay Abuurayna oo ay waajib tahay inay Caabudaan sidaa darteed ayuu Alaah ku riri dhameestirka Aaayadihii Nasaaradii Nabi Ciise Caabuday lagula hadlayay ku yiri: [Iskama kimriyo Masiix inuu ahaado Adoon Alle, Malaa’igta la Dhaweeyayna [iskama kibriso] Ruuxii iska Kibriya [Alle] Cibaadadiisa oo isweyneeya wuxuu usoo kulmin xagiisa Dhamaan [Maalinta Qiyaamaga]].
Telegram Center
Telegram Center
Channel