View in Telegram
Suurada 112aad Al-Ikhlaas Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada An-Naas ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad. Suuradan waxey si Guud uga Hadashaa Tilmaamaha Dhabta ee Rabi lagu yaqaano. Waxeyna Suuradan Tilmaantay Allaah (Cw) inuu kali yahay oo uusan laheyn Mid Shabaha, Mid la mid ah, iyo Xaas iyo Caruur toona. Suuradan waxey Meesha ka Saartaa Caqiidooyinka Qaldan ee dadka aan Muslimiinta aheyn Allaah (Cw) ka Aaminsan yihiin. Risaalo ku Socota kua diinka ka baxay ama Aan Muslimka aheyn Asal ahaan: Suuradaan waxa ay Tilmaamo kooban oo aad u xeel dheer ka bixisay Sifada saxda ah ee lagu yaqaano ama lagu Aqoonsan karo Allaaha Xaqa u leh in La Caabudo waxa ayna suurdan meesha ka saartaa inuusan Illaah nimo muteysan Karin Sifooyinkaas midaan laheyn. 1: Marka koowaad waxaa is weydiin mudan Goorm ayay bilaabatay in la arko Dad Caabudaya wax aan Allaah aheyn? Marka koowaad waxaa Xasuusin mudan Allaah markuu Insaanaka Abuuray waxaa uu ku Abuuray ayagoo Allaah kaliya Caabuda kuna toosan jidkii Towxiidka waxaase mudo ka dib biloowday in Dad wanaagsanaa si loo xormeeyo loona xasuusto Taalooyin ay u dhiseen Qoomkii nabi Nuux taasoo Jiilalkii dambeeyay u rogeen inay yiraahdaan aan Cibaadada jid aan sii marino ka dhigano dadkaan wanaaga lagu yaqaanay si ay Allaah noogu dhaweeyaan, arintaas oo aheyd gaf weyn oo ay kaga baxeen Caqiidadii saxiixa aheyd sidaa darted ayaa loosoo saaray Nabi Nuux si uu Toowxiidka iyo Cibaada uga toosiyo Nabi kastana waxaa loo soo saari jiray inuu Dadka Caqiidada ka hagaajiyo. 2: Marka labaadna waxaa isweydiin hadii uu Allaah Kali ku yahay Abuurka oo aysan jirin cid la sheegata Abuurka koonka Cirka Dhulka Bdaha Dhirta Xawaanaadka Dadka iyo wax walba oo Muuqada ama aan noo muuqan maxaa keenay in dad badan oo Cilmi Diin iyo Aqoon sheeganaya yiraahdaan Nabi Ciise waa Illaah kale ma Ruuxul Qudus (Malakul-Jibriil)? Hadii aan si gaar ah u dul istaago Nabi Ciise ma banaantahay in la Caabudo ma la yiraahdo waa Wiil uu Allaah dhalay? Jawaabta oo kooban ma banaana marnaba waayo waxaa ay khilaafasan tahay Fidrida saxda, Caqliga Insaanka Fayoow iyo Nusuusta Shareecada Islaamka iyo Sharciyadii lala soo diray Dhamaan Nabiyadoo oo dhan waayo Nabiyada waxa ay dadka bari jireen inuu Allaah kali yahay kaligiisna la Caabudo waxaa ay kala dagaali jireen in sanamyo ama dad caadi ah la Caabudo waxaana Tusaale u ah Nabi Nuux, nabi Ibraahiim iyo Nabi Muuse, marka hadii Maanta la arko dad saanamyo suuradood Caabudaya waxaan leenahay waxaad khilaafteen Diintii Nabiyada iyo Caqiidadoodii. 3: Marka xigtana waxaa si gaar ah u leenahay kuwa maanta ku daalay inay Cibaadada Nabi Ciise dadka ugu yeerraan ee iloobay xaqii iyo Diinkii Towxiidka ee Nabiyada side bay suura gal ku ttahay in Dad Caadi ah ama Malak ama Dhagax ama Saman la Caabudo? Sideese Dad loo Caabudaa maxuuse Dad awooda uu leeyahay?. Hadii dadka qaar yiraahdaan Ciise waa in la Caabudaa waayo Abuurkiisu waa ka duwanaa Abuuradadii Inasaanaka Caadiga oo waxa uu ahaa Insaan leh Hooyo kaliyah oo aan Aaabo laheyn ma saxbaa? Jawaabtu waa sahlan tahay Nabi Ciise waxaa laga Abuuray Hooyo kaliya waana Abuur ka mid ah Abuurada Allaah uu Abuuray sax laakiin waxaa jira Abuuro kale ka kasii cajab badan Abuurka nabi Ciise sida Abuurka Aaadam, Xaawo, Malaaigta, Asalka Jinka, Asalka wax kasta oo nool oo ahaa Abuur uu Allaah toos u bilaabay hooyo iyo Aabe la,aan. Marka hadiiba wax lagu Caabudayo nooca Abuurkooda a,a ay ansaxeyo in la Caabudo waxaa ka mudnaan lahaa Nabi ciise kuwa aan soo sheegnay ama si gaar ah Aadan oo Caaro laga Abuuray aydoo rabina uu u afuufay Ruuxdiisa, laakiin marna ma banaana Nabi Aadam iyo Nabi Ciise iyo nabi kalaba ama Malag in la Caabudo waayo waxa ay ka mid yihiin Dhamaantood Adoomaha Alle uu u Abuuray inay Caabudaan sidaa darted ayuu Allaah ku yiri Quraanka asagoo waaninaya kuwa Caabuda Nabi Ciise ee Illaaha ka dhigaytay:
Telegram Center
Telegram Center
Channel