View in Telegram
Bishi Rajab ee xurmada laheeyd ayaan guda galney. Markaa waa lagama maarmaan inaan nafteenna ku carbinno una diyaarinno sidii aan u gudan laheeyn waajibaadka bisha barakeeysan ee sharafta badan ee Ramadaan. Dadkii wanaagga & taqwada badnaa ee Saalixiinta ahaa waxaa hal qabsi u aheeyd: 👉🏼[Rajab wax beero, Shacbaan waraabso, Ramadaankana guro.] Ducadii nebiguna scw, waxaa ay aheeyd: [اَللّهُمَّ بَارِكْ لَنَا فِى رَجَبَ وَ شَعْبَانَ وَ بَلِّغْنَا رَمَضَان.] [Alloow noo barakee Rajab & Shacbaan, oo na gaarsii Ramadaanka.] Rajab waa bisha 7aad ee Hijriga, waxayna ka mid tahay 4ta bilood ee xurmada goonida ah leh. Bilahaa qiimaha badani waa: Rajab, Dul-qacda, Dul-xij & Muxarram. Alle sw, wuxuu yiri: [مِنۡهَاۤ أَرۡبَعَةٌ حُرُمࣱۚ.] صدق الله العظيم. [waxaa ka mid ah [bilaha], 4 xurmo gaar ah leh.] Aayadda 36aad ee suuradda Toowba. W/Q TOLMOON🤍
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily