View in Telegram
Guusha dhalinta
✊🏻
🤍
Guusha dhalinta
✊🏻
🤍
Photo
Nin dhalinyaro ah ayaa awoowgiis waydiiyay, Awoowe sideebaad waagii hore ugu noolaydeen nolol bilaa technology ah? computer la,aan, diyaarado la,aan, mobile la,aan baabuur la,aan, TV la,aan iyo internet la,aan ah
⁉️
Awoowgii ayaa ku jawaabay: sida jiilkiina maanta uu u noolyahay, ducu la,aan, xishood la,aan waxbarasho necayb naxariis la,aan bani aadantinimadii oo sii dhimanaysa, daacadnimo la,aan dabeecad xumo iyo xushmad la,aan ayaan ayaan ugu noolayn anaguna nolosha aad ka hadashay .
😁
Awoowgii oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, wiilkaygiiyow anagu hadaan nahay dadkii hore noloshanadu waxay ahayd mid dabiici ah oo bilaa buuq ah. ma aanan haysan waxyaabaha dadka hada ay ku madadaashan sida: gaymanka ciyaaraha iyo filimada, balse waxaan lahayn saxiibo dhab ah oo an waqti qurxoon wada qaadano. waxaan booqan jirnay asaxaabteena anagon wicin oo aan ogaysiin hadana way ku farxi jireen waxay haystaana waan la wadaagi jirnay. wiilkaygiiyow anagu waxaan ahayn jiil barakaysan oo aad ugaraad badnaa, waxaanan ahayn jiilkii ugu dambeeyay ee waalidkood dhagaysta. Halka maanta nalagu qasbay inaan noqono jiilkii ugu horeeyay ee caruurtooda dhagaysta. jiilkeena maanta kuma wada xukmin karno inuu yahay aslanba mid xun hadana wax ayaa ka jira waxa uu sheegay oo isuma dhawa jiilkan technologadu madax martay iyo jiilashii ka horeeyay. maxay kula tahay adiga
⁉️
Xigasho!!
Share
Telegram Center
Channel
Join