✨Channel kan waxad kaga bogon donta💫
Xikmado ✅
Sheekooyin ✔️
Dhiirgalin✅
Xita Qormoyin kaftan ah waad ka heli kaliya adiga nga dhiman ee ino imow sxb 😅😂💔......!
Fikirkaaga waa inoo muhiim ee Soo dhawow sxb....!🐝
Ragga qaar haddii ay hanti haystaan waxa ay moodaan in aysan jirin wax kale oo ka maqan ama looga baahan yahay, saa si la mid ah gabadhaha qaar ee quruxda isku tuhmaya iyagana waxa ay aamminsan yihiin in aan laga maarmi karin oo ay wax waliba haystaan.
Muhiimadda hadalkayga waxa weeye; quruxda iyo lacagtuba waxa ay macno yeeshaan marka ay la socdaan waxyaabo nolosha sii haga, oo ay jiraan isfahamid, garasho, masuuliyad iyo fulinta baahiyaha yaryar ee uu doonayo qofkaaga in aad u dhabayso. Haddii ay kuu sahlanaato oo aadan is oran waxkastaad siisaye, maxaa ka maqan, ogoow waxa aad luminaysaa dareemo aan lacag goyn.
Tusaale kooban; Gabdha u baahan in ay ku aragto, maqasho ama ay hesho fariin xaggaaga ah, ma dawayso lacag aad akoonkeeda ku shubto. Dhanka kale, wiilka rabo in aad si wacan u dhagaysato, hadal wanaagsan aad ku tiraahdo, walibana aad u muujiso ixtiraam, ee aad ku dhaga adkaato ama uu waayo filashadiisa, macno uma samaynayso si walbo oo aad isugu qurxiso ama aad u qurux badan tahay.
"Cilmiga hallaguu dhigee, Caqligu kaasho baa la yiri"