1. Cuduro ay madaxda qaba qarsadeen, wuxuu soo qaadanayaa tusaalooyin ay ka mid yihiin Madaxweynihii iraan Mohammad Pahlavi (Shaah Iiraan), iyo Faransiiska, François Mitterrand. Labadooda ayuu sheegaya in ay qabeen cudurka Kansarka ee dhiigga iyo kaadi haysta ku dhaca.
2. Kuwa cudurkooda la ogaa, laakiin daawooyinka ay qaataan qaldanaayeen ama ka tan bateen. Tusaalooyinka uu bixinayo waxaa ka mid ah Madaxweynihii Maraykanka John Kennedy iyo Raysalwarihii Ingiriiska, Anthony Eden.
3. Qolada saddexaad oo uu Owen si gaar ah u xiisaynayo ayuu ku sheegay in ay yihiin kuwo caafimaadka qaba oo awooddooda garasho si fiican u shaqaynaysay, laakiin “Kibir iyo Islawayni” xukunka ka qaaday.
Kuwaas danbe oo tusaalooyinka uu bixinayo ka midyihiin Jamaal Cabdinaasir, Robert Mugabi, Mao Zedong, Tony Blair iyo George Bush ayuu ku tilmaamay in ay kalsooni xad dhaaf ah isku qabeen oo ay quursanayeen aragtida iyo talada tooda ka duwan, iyagoo kali quman ah. Waxay isku darsadeen ayuu ku doodayaa “ Kibir iyo Jahli” (Arrogance and Ignorance)
David Owen oo muddo dheer baaritaan ku hayey xiriirka ka dhexeeya siyaasadda iyo caafimaadka, aqoon durugsana u leh labada majaal ayaa si qoto dheer u faahfaahinaya xiriirka ka dhexeeya cudurka iyo xukunka. Inta badan madaxda uu darsaday Owen waa kuwo uu la kulmay oo macaamal toos ah dhexmaray, kuwa uusan la kulmina wuxuu baaray diiwankoodii caafimaad. Wuxuu si wayn u baarayaa sababta ay keentay in madaxdu qaataan go’aano nacasnimo, degdeg iyo qar iska tuur ah.
Wuxuu qaybaha danbe ee Buugga ku soo gudbinayaa talooyin ku aaddan sida ay bulshooyinku u xallin karaan madaxda xanuunka qabta ee xilka haya.
Aqoonyahanka Soomaaliyeed, gaar ahaan cilmi baarayaasha iyo dhakhaatiirtu waa in ay buuggan aqriyaan, talooyinka ku jirana bulshada uga faa’iideeyaan.
Abdurahman Abdishakur Warsame.