Magaca “Muxsiniin” oo ah “Samafalayaal” Qur’aanka waxa uu ku soo arooray 33-goor. Mar waa loo bushaaraynayaa, marna abaal marintooda layaabka leh baa laga warramayaa, marna Alle in uu jecel yahay baa la sheegayaa, —lix goor buu Alle sheegay in uu jecel yahay— marna in Alle la jiro ayaa la sheegayaa, marna dad mu’aamarad bilaa tudhaale ah loo maleegey oo Alle badbaadiyey ayaa inta uu Alle ka warramo uu sheegayaa sababta badbaadadoodu in ay ahayd in ay ahaayeen Samafalayaal. Mar wanaag dheeraad ah oo u sugnaaday baa loo sheegayaa, mar raxmadda Alle in ay Muxsiniinta agtooda ahaatay baa la sheegayaa, mar Alle in aanu ajarka Muxsiniinta dayici doonin baa la sheegayaa, —afar goor buu Alle ku soo celceliyey in aanu ajarkooda marnaba dayici doonin—.
Samafalka ogaada, wakhti adag baa lagu jiraaye dadka Masaakiinta ah ka warhaya, wakhtigii dhaxanta ayaa la galaye hal Buste haddii aad ku caawin karto Masaakiin gabadano hayso ku caawi, hal qof ama laba qof haddii aad fiiga Qur’aanka ka bixin karto ka bixi waa samafal Alle agtiisa ku wayne, kuwo dherigu saabka kaga jiro haddii aad hal maalin dabka u shidi karto u shid, dadka wax-haysta in aad caawinta Masaakiinta ku baraarujisaa yaanay kula yaraan. Saddex meelood oo kala duwan oo uu Alle kaga warramay Qur’aanka dad Ehlu-naar ah oo la cadaabey, sababihii lagu cadaabey waxaa ka mid ahayd in aanay isku boorrin jirin quudinta Masaakiinta, lama odhan “Masaakiinta ma aanay quudin jirin” ee waxaa la yidhi: “Iskuma aanay boorrin jirin quudinta Masaakiinta”. Markaa yaanay kula fududaan in aad Masaakiinta u hadasho oo quudintooda dadka xasuusiso.