View in Telegram
Waxaan hadda akhriyey Qoraalka uu leeyahay Khaled Hosseini ee ah, "Bulsho fursad uma laha inay guulaysato haddii haweenkeedu yihiin kuwa aan waxbaran," aqoonyahankaas wuxuu tilmaamayaa muhiimadda ay u leedahay waxbarashada haweenka si loo gaaro horumar iyo guul bulsho ahaan. Wuxuu soo jeedinayaa in waxbarashada haweenka ay tahay arrin fure u ah horumarka guud ka ummad ahaan iyo , wanaagga, iyo baraaruga bulshada ama qaranka. Haddii haweenka, oo ah kala bar bulshada, aan la siinin fursado waxbarasho oo siman, fursadda bulshadu u leedahay horumar, hal-abuur, iyo guul si aad ah ayay hoos ugu dhacaysaa. Marka haweenka la waxbaro, bulshooyinku waxay awoodaan inay si buuxda uga qaybqaataan dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha, qoyska, iyo hoggaaminta, taas oo ka dhigta bulsho xoog badan oo guulaysata. @mrxoosh
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily