View in Telegram
Hibo's insights
Salaadda waa tiirka labaad ee Islaamka, waa xidhiidhka tooska ah ee adoonka iyo ilaahay. Waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu qiimaha badan ee qofka Muslimka ah haysto faa'idooyinka laga helo waxaa kamid ah 1. Xidhiidh joogto ah oo Alle lala yeesho: Salaadda waxay qofka ka dhigtaa mid mar kasta xusuusta ilaahay, taas oo qalbiga nadiifiso oo xasilloonida kor u qaadda. 2. Nabad iyo deggenaan: Salaadda waxay nasisaa qalbiga, waxayna qofka ka fogeysaa walwalka iyo culeysyada nolosha, sida uu Alle Qur’aanka ku sheegay: ﴿الَّذينَ آمَنوا وَعَمِلُوا الصّالِحاتِ طوبى لَهُم وَحُسنُ مَآبٍ﴾ [Ar-Ra‘d: 29] "Qalbiyada waxa lagu dejiyo oo lagu xasiliyaa xuska Alle." (Suuradda Ar-Ra'd, 28). 3. Dambi dhaaf: Salaadda joogtada ah waxay tirtirtaa dambiyada yar-yar waxay qofka ka dhigtaa mid nadiif ah. 4. Hagitaan iyo barako: Salaadda waxay qofka siisaa iftiin qalbiga ah iyo jihayn sax ah oo uu nolosha ku hogaansamo . Aynu ilaalino salaada si aynu u helno barako wayn
@aragtiyocajiibah
❤️
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start