View in Telegram
QURAANKA IYO SAYNISKA
Xogta: 24 Sano Kadib Xukunka Looga Tuuray Bashaar Al-Asad – Maxaadan Ogeyn? Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay inay soo afjareen xukunka Bashaar Al-Asad, oo muddo 24 sano ah ka talinayay dalka. Ku dhawaaqistan oo markii ugu horreysay laga baahiyay telefishinka dowladda ayaa timid kaddib weerar bir ah oo mucaaradku fuliyeen, taasoo caalamka ka yaabisay. Taliska Ciidamada oo Xog Bixiyay Ciidamada Suuriya ayaa Axaddii wargeliyay saraakiisha inay dhamaatay nidaamkii Bashaar Al-Asad, sida laga soo xigtay sarkaal Suuriyaan ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Suuriya ayaa mar dambe sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha fallaagada ee ku sugan magaalooyinka muhiimka ah sida Hama iyo Homs, iyo baadiyaha Deraa. Assad oo Ka Baxay Dimishiq Wararka ayaa sheegaya in Bashaar Al-Asad uu ka duulay Dimishiq, isagoo u safray goob aan la garanayn. Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadiisa ayaa sheegay in mucaaradku si fudud ugu soo galeen caasimadda, iyagoo aan wax iska-caabin milateri ah la kulmin. Kooxda mucaaradka ah ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in maxaabiistii ku xirnayd xabsiga weyn ee Sednaya la sii daayay. Mudaaharaadyo iyo Burburkii Xukunka Kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Dimishiq, iyagoo ku dhawaaqaya “Xornimo” kaddib xukunka nus qarniga ah ee qoyska Al-Asad. Dhicitaanka xukunka Bashaar Al-Asad ayaa dhabar jab weyn ku noqday Ruushka iyo Iiraan, kuwaas oo taageerayay maamulkiisa muddada dheer. Xaaladda Gobolka iyo Dareenka Caalamka Dhacdooyinkan ayaa cabsi hor leh ku abuuray caasimadaha Carabta, iyadoo loo arko inay sababi karto mowjad cusub oo xasillooni darro ah. Hayat Tahrir al-Sham (HTS), oo ah jabhadda ugu xooggan Suuriya, ayaa hoggaaminaysay horumarka mucaaradka, inkastoo dad badan oo reer Suuriya ka baqayaan in ay soo rogaan xukun Islaami ah oo adag. Diyaarad Suuriyaan ah oo Go’doonsan Warar laga helay shabakadda Flightradar ayaa muujiyay in diyaarad ay leedahay shirkadda Syrian Air ay si lama filaan ah u bedeshay jihadii duulimaadkeeda kaddib markii mucaaradku la wareegeen Dimishiq. Lama xaqiijin cidda saarneyd diyaaradda. Falcelinta Maraykanka iyo Xulafada Gobolka Ra’iisul Wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Suuriya, Mohammad Ghazi al-Jalali, ayaa ballanqaaday inuu taageeri doono dowladnimada cusub. Dhanka kale, Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku si dhow ula socdo xaaladda, isagoo la xiriiray xulafada gobolka. Rajada Mustaqbalka Suuriya Dhacdooyinka ayaa u muuqda kuwo isbeddel weyn ku keenaya mustaqbalka Suuriya. Israa’iil iyo dalal kale ayaa sidoo kale ka falceliyay, iyagoo rajeynaya in isbeddelku keeno deggenaansho, inkastoo laga baqayo in kooxaha Islaamiyiinta ah ee mucaaradka hoggaaminaya ay abuuraan nidaam adag. Dhacdooyinka ayaa weli sii socda, iyadoo dadka reer Suuriya ay sugayaan mustaqbalka dalka kaddib xukunkii Bashaar Al-Asad. Abdi Hussein Dahir
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start