MAWDUUC: ILMADA ISHA
Dhamaantiin waxaan idiin rajaynayaa inaad caafimaad qabtaan oo aad fiicantihiin.
Akhriste , ma ogtahay ilmada qofka ka timaada xilliyada farxadda,murugada , Qiirada (khushuuca) iyo oohinta ay kala duwantahay laakiin dadku ay u haystaan in ilmo ay ilmo uun tahay.
Ma ogtahaty in ilmadu ay tahay nooc ka mida biyaha uu Alle wayne uumay kuwaas oo uu siiyay astaamo cajib ah ood la yaabayso .
Astaamaha layaabka leh ee isha ilmadeeda waxa ka mid in qofku uu raaxo nafsiyana dareemo marka ay ka timaado ilmada khushuucdu tusaale ahaan quraan ayaad akhriday oo waad khushuucday dabeetana waad ilmaysay.
Sidoo kale , ilmada qaar ayaa walbahaarka kordhisa iyo cabashada tusaale ahaan ilmada qofka uga timaada xanuun ku dhacay awgii ama ilmada oohinta caadiga ah eed taqaano.
Intaa waxa ka yaab ,amakaag iyo fajac badan in ilmada heer kulkeedu aanu is badalin.cajiib!
Akhriste waxaan u jeedaa, hadii aad dab saarto biyahaas ilmada ah ma kululaanayaan oo heer kulkoodu kor uma kacayo Alle ayaana og sababta.
Sidoo kale ma barafoobaan hadii aad is tidhaah qaboooji.
Cilmigu waa mid aad u balaadhan oo aan laga gayoonayn gaadhistiisa ee Alle wayne waxaan ka tuugnay in uu ina baro cilmiga . Aaaamiin aaaamin aaamiin Akhriste aaamiinta ku darso adna. Mahadsanid.