View in Telegram
π§πππ’π’π¬ππ‘ππ π‘π’ππ’π¦ππ 24
Sheeko "Ilaahay ayaa i arkaya" Maalin maalmaha ka mid ah, Sheekh ayaa rabay inuu tijaabiyo caqliga iyo garaadka ardaydiisa. Wuxuu u tegay afar wiil oo dhallinyaro ah, wuxuuna mid walba siiyey tufaax. Wuxuuna ka codsaday in mid walba uu ku cuno tufaaxa meel aanay cidi arkayn! Muddo kadib, ayaa wiilashii u yimaadeen sheekha. Markaasuu waydiiyey: "Ma cunteen tufaaxii?" Waxay ku jawaabeen: "Haa." Wuxuu waydiiyey: "Halkee ku cunteen?" Wiilkii ugu horreeyey ayaa ku jawaabay: "Qolkeyga ayaan ku cunay." Wiilkii labaad ayaa yiri: "Meel cidlo ah oo saxare ah ayaan ku cunay." Wiilkii saddexaad ayaa sheegay: "Dooni dusheed ayaan ku cunay." Wiilkii afaraad ayaa yimid isagoo tufaaxii gacanta ku haysta. Sheekhu wuxuu waydiiyey: "Maxaad u cuni wayday tufaaxii?" Wiilkii ayaa ku jawaabay: "Waan tegay oo raadiyey meelo badan, laakiin ma helin meel aan cidna i arkayn, sababtoo ah Ilaahay wuu i arkayaa meel walba, mar walbana wuu ila jiraa." Xikmada Qisada: Meel kasta oo aad joogto Alle waa ku arkaa Ψ₯ΨͺΩ Ψ§ΩΩΩ ΨΩΨ«Ω Ψ§ ΩΩΨͺ
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start