View in Telegram
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ (Al-Mutaffife - 1) Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya. الَّذِينَ إِذَا اكْتَالُوا عَلَى النَّاسِ يَسْتَوْفُونَ (Al-Mutaffife - 2) Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta). وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ (Al-Mutaffife - 3) Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya. أَلَا يَظُنُّ أُولَـٰئِكَ أَنَّهُم مَّبْعُوثُونَ (Al-Mutaffife - 4) Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin. لِيَوْمٍ عَظِيمٍ (Al-Mutaffife - 5) Maalin wayn darteed (Qiyaamada). يَوْمَ يَقُومُ النَّاسُ لِرَبِّ الْعَالَمِينَ (Al-Mutaffife - 6) Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka. كَلَّا إِنَّ كِتَابَ الْفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ (Al-Mutaffife - 7) Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin. وَمَا أَدْرَاكَ مَا سِجِّينٌ (Al-Mutaffife - 8) Ma taqaannaa Sijiin. كِتَابٌ مَّرْقُومٌ (Al-Mutaffife - 9) Waa Kitaab calaamaysan. وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ (Al-Mutaffife - 10) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa). الَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوْمِ الدِّينِ (Al-Mutaffife - 11) Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta. وَمَا يُكَذِّبُ بِهِ إِلَّا كُلُّ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ (Al-Mutaffife - 12) Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah. إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ آيَاتُنَا قَالَ أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ (Al-Mutaffife - 13) Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore. كَلَّا ۖ بَلْ ۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا يَكْسِبُونَ (Al-Mutaffife - 14) Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah. كَلَّا إِنَّهُمْ عَن رَّبِّهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّمَحْجُوبُونَ (Al-Mutaffife - 15) Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi. ثُمَّ إِنَّهُمْ لَصَالُو الْجَحِيمِ (Al-Mutaffife - 16) Markaasna ay gali Jaxiimo. ثُمَّ يُقَالُ هَـٰذَا الَّذِي كُنتُم بِهِ تُكَذِّبُونَ (Al-Mutaffife - 17) Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka. كَلَّا إِنَّ كِتَابَ الْأَبْرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ (Al-Mutaffife - 18) Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin. وَمَا أَدْرَاكَ مَا عِلِّيُّونَ (Al-Mutaffife - 19) Cilliyiin ma taqaannaa. كِتَابٌ مَّرْقُومٌ (Al-Mutaffife - 20) Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro. يَشْهَدُهُ الْمُقَرَّبُونَ (Al-Mutaffife - 21) Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw. إِنَّ الْأَبْرَارَ لَفِي نَعِيمٍ (Al-Mutaffife - 22) Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno). عَلَى الْأَرَائِكِ يَنظُرُونَ (Al-Mutaffife - 23) (Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan. تَعْرِفُ فِي وُجُوهِهِمْ نَضْرَةَ النَّعِيمِ (Al-Mutaffife - 24) Wajigooda waanad ka garan Nicmada. يُسْقَوْنَ مِن رَّحِيقٍ مَّخْتُومٍ (Al-Mutaffife - 25) Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan). خِتَامُهُ مِسْكٌ ۚ وَفِي ذَٰلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ الْمُتَنَافِسُونَ (Al-Mutaffife - 26) Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu. وَمِزَاجُهُ مِن تَسْنِيمٍ (Al-Mutaffife - 27) Waxaana lagu dheehi Cabbitaan. عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا الْمُقَرَّبُونَ (Al-Mutaffife - 28) Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw. إِنَّ الَّذِينَ أَجْرَمُوا كَانُوا مِنَ الَّذِينَ آمَنُوا يَضْحَكُونَ (Al-Mutaffife - 29) Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay. وَإِذَا مَرُّوا بِهِمْ يَتَغَامَزُونَ (Al-Mutaffife - 30) Haday maraanna way xaqirijireen. وَإِذَا انقَلَبُوا إِلَىٰ أَهْلِهِمُ انقَلَبُوا فَكِهِينَ (Al-Mutaffife - 31) Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan). وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوا إِنَّ هَـٰؤُلَاءِ لَضَالُّونَ (Al-Mutaffife - 32) Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin. وَمَا أُرْسِلُوا عَلَيْهِمْ حَافِظِينَ (Al-Mutaffife - 33) Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta.
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily