View in Telegram
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista إِذَا السَّمَاءُ انشَقَّتْ (Al-Inshiqaq - 1) Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada). وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ (Al-Inshiqaq - 2) Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee. وَإِذَا الْأَرْضُ مُدَّتْ (Al-Inshiqaq - 3) Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada). وَأَلْقَتْ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتْ (Al-Inshiqaq - 4) Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado. وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ (Al-Inshiqaq - 5) Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa). يَا أَيُّهَا الْإِنسَانُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدْحًا فَمُلَاقِيهِ (Al-Inshiqaq - 6) Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi. فَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِيَمِينِهِ (Al-Inshiqaq - 7) Ruusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu'minkee). فَسَوْفَ يُحَاسَبُ حِسَابًا يَسِيرًا (Al-Inshiqaq - 8) Waxaa la xisaabin xisaab fudud. وَيَنقَلِبُ إِلَىٰ أَهْلِهِ مَسْرُورًا (Al-Inshiqaq - 9) Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan. وَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ وَرَاءَ ظَهْرِهِ (Al-Inshiqaq - 10) Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune). فَسَوْفَ يَدْعُو ثُبُورًا (Al-Inshiqaq - 11) Wuxuu u yeedhan Halaag. وَيَصْلَىٰ سَعِيرًا (Al-Inshiqaq - 12) Wuxuuna gali Naarta Saciira. إِنَّهُ كَانَ فِي أَهْلِهِ مَسْرُورًا (Al-Inshiqaq - 13) Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii). إِنَّهُ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ (Al-Inshiqaq - 14) Wuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame). بَلَىٰ إِنَّ رَبَّهُ كَانَ بِهِ بَصِيرًا (Al-Inshiqaq - 15) Saas ma ahee Eebe waa arkaa. فَلَا أُقْسِمُ بِالشَّفَقِ (Al-Inshiqaq - 16) Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca. وَاللَّيْلِ وَمَا وَسَقَ (Al-Inshiqaq - 17) Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay. وَالْقَمَرِ إِذَا اتَّسَقَ (Al-Inshiqaq - 18) Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo. لَتَرْكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٍ (Al-Inshiqaq - 19) Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan/ فَمَا لَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ (Al-Inshiqaq - 20) Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa). وَإِذَا قُرِئَ عَلَيْهِمُ الْقُرْآنُ لَا يَسْجُدُونَ ۩ (Al-Inshiqaq - 21) Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin. بَلِ الَّذِينَ كَفَرُوا يُكَذِّبُونَ (Al-Inshiqaq - 22) Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa). وَاللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا يُوعُونَ (Al-Inshiqaq - 23) Eebana waa ogyahay waxay qarsan. فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ (Al-Inshiqaq - 24) Ugu bishaaree caddibaad daran. إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍ (Al-Inshiqaq - 25) Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go'aynin.
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily