View in Telegram
TAFSIIRKA QURANKA
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista وَالسَّمَاءِ وَالطَّارِقِ (At-Tariq - 1) Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura. وَمَا أَدْرَاكَ مَا الطَّارِقُ (At-Tariq - 2) Ma taqaan Xiddigga guura. النَّجْمُ الثَّاقِبُ (At-Tariq - 3) Waa Xiddig ifa. إِن كُلُّ نَفْسٍ لَّمَّا عَلَيْهَا حَافِظٌ (At-Tariq - 4) Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag). فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ مِمَّ خُلِقَ (At-Tariq - 5) Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray. خُلِقَ مِن مَّاءٍ دَافِقٍ (At-Tariq - 6) Waxaa laga abuuray Biyo booda. يَخْرُجُ مِن بَيْنِ الصُّلْبِ وَالتَّرَائِبِ (At-Tariq - 7) Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood. إِنَّهُ عَلَىٰ رَجْعِهِ لَقَادِرٌ (At-Tariq - 8) Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada). يَوْمَ تُبْلَى السَّرَائِرُ (At-Tariq - 9) Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon. فَمَا لَهُ مِن قُوَّةٍ وَلَا نَاصِرٍ (At-Tariq - 10) Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna. فَمَا لَهُ مِن قُوَّةٍ وَلَا نَاصِرٍ (At-Tariq - 10) Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna. وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الرَّجْعِ (At-Tariq - 11) Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh. وَالْأَرْضِ ذَاتِ الصَّدْعِ (At-Tariq - 12) Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo). إِنَّهُ لَقَوْلٌ فَصْلٌ (At-Tariq - 13) Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta). وَمَا هُوَ بِالْهَزْلِ (At-Tariq - 14) Ciyaarra ma aha (ee waa dhab). إِنَّهُمْ يَكِيدُونَ كَيْدًا (At-Tariq - 15) Gaaladu waxbay dhakri. وَأَكِيدُ كَيْدًا (At-Tariq - 16) Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin). فَمَهِّلِ الْكَافِرِينَ أَمْهِلْهُمْ رُوَيْدًا (At-Tariq - 17) Ee u sug Gaalada wax yar.
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start