View in Telegram
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista وَالسَّمَاءِ وَالطَّارِقِ (At-Tariq - 1) Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura. وَمَا أَدْرَاكَ مَا الطَّارِقُ (At-Tariq - 2) Ma taqaan Xiddigga guura. النَّجْمُ الثَّاقِبُ (At-Tariq - 3) Waa Xiddig ifa. إِن كُلُّ نَفْسٍ لَّمَّا عَلَيْهَا حَافِظٌ (At-Tariq - 4) Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag). فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ مِمَّ خُلِقَ (At-Tariq - 5) Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray. خُلِقَ مِن مَّاءٍ دَافِقٍ (At-Tariq - 6) Waxaa laga abuuray Biyo booda. يَخْرُجُ مِن بَيْنِ الصُّلْبِ وَالتَّرَائِبِ (At-Tariq - 7) Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood. إِنَّهُ عَلَىٰ رَجْعِهِ لَقَادِرٌ (At-Tariq - 8) Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada). يَوْمَ تُبْلَى السَّرَائِرُ (At-Tariq - 9) Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon. فَمَا لَهُ مِن قُوَّةٍ وَلَا نَاصِرٍ (At-Tariq - 10) Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna. فَمَا لَهُ مِن قُوَّةٍ وَلَا نَاصِرٍ (At-Tariq - 10) Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna. وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الرَّجْعِ (At-Tariq - 11) Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh. وَالْأَرْضِ ذَاتِ الصَّدْعِ (At-Tariq - 12) Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo). إِنَّهُ لَقَوْلٌ فَصْلٌ (At-Tariq - 13) Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta). وَمَا هُوَ بِالْهَزْلِ (At-Tariq - 14) Ciyaarra ma aha (ee waa dhab). إِنَّهُمْ يَكِيدُونَ كَيْدًا (At-Tariq - 15) Gaaladu waxbay dhakri. وَأَكِيدُ كَيْدًا (At-Tariq - 16) Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin). فَمَهِّلِ الْكَافِرِينَ أَمْهِلْهُمْ رُوَيْدًا (At-Tariq - 17) Ee u sug Gaalada wax yar. بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista سَبِّحِ اسْمَ رَبِّكَ الْأَعْلَى (Al-A'la - 1) Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya. الَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ (Al-A'la - 2) Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna. وَالَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ (Al-A'la - 3) Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey. وَالَّذِي أَخْرَجَ الْمَرْعَىٰ (Al-A'la - 4) Eebaha soo bixiya Daaqa. فَجَعَلَهُ غُثَاءً أَحْوَىٰ (Al-A'la - 5) Kana dhiga markaas ka dib caws ingagagan oo Madow. سَنُقْرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰ (Al-A'la - 6) Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid. إِلَّا مَا شَاءَ اللَّهُ ۚ إِنَّهُ يَعْلَمُ الْجَهْرَ وَمَا يَخْفَىٰ (Al-A'la - 7) Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba. وَنُيَسِّرُكَ لِلْيُسْرَىٰ (Al-A'la - 8) Waxaana kuu fududaynhaynaa Waddo fiican. فَذَكِّرْ إِن نَّفَعَتِ الذِّكْرَىٰ (Al-A'la - 9) Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu. سَيَذَّكَّرُ مَن يَخْشَىٰ (Al-A'la - 10) Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee. وَيَتَجَنَّبُهَا الْأَشْقَى (Al-A'la - 11) Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune. الَّذِي يَصْلَى النَّارَ الْكُبْرَىٰ (Al-A'la - 12) Ee ah mid gali Naar wayn. ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ (Al-A'la - 13) Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn. قَدْ أَفْلَحَ مَن تَزَكَّىٰ (Al-A'la - 14) Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda. وَذَكَرَ اسْمَ رَبِّهِ فَصَلَّىٰ (Al-A'la - 15) magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada. بَلْ تُؤْثِرُونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا (Al-A'la - 16) Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw. وَالْآخِرَةُ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ (Al-A'la - 17) Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi). إِنَّ هَـٰذَا لَفِي الصُّحُفِ الْأُولَىٰ (Al-A'la - 18) Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore. صُحُفِ إِبْرَاهِيمَ وَمُوسَىٰ (Al-A'la - 19) Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse.
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily