View in Telegram
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ الْغَاشِيَةِ (Al-Gashiya - 1) Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii. وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ خَاشِعَةٌ (Al-Gashiya - 2) Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan. عَامِلَةٌ نَّاصِبَةٌ (Al-Gashiya - 3) Waxayna qaban Shaqo dhib ah. تَصْلَىٰ نَارًا حَامِيَةً (Al-Gashiya - 4) Waxayna gali Naar kulul. تُسْقَىٰ مِنْ عَيْنٍ آنِيَةٍ (Al-Gashiya - 5) Waxaana laga waraabin il kulayl daran. لَّيْسَ لَهُمْ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٍ (Al-Gashiya - 6) Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta). لَّا يُسْمِنُ وَلَا يُغْنِي مِن جُوعٍ (Al-Gashiya - 7) Taasoon waxna cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin. وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ نَّاعِمَةٌ (Al-Gashiya - 8) Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta). لِّسَعْيِهَا رَاضِيَةٌ (Al-Gashiya - 9) Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii. فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٍ (Al-Gashiya - 10) Janno sarana way gali. لَّا تَسْمَعُ فِيهَا لَاغِيَةً (Al-Gashiya - 11) Kumana maqasho Jannada hadal macna darro. فِيهَا عَيْنٌ جَارِيَةٌ (Al-Gashiya - 12) Waxaana ah dhexdeed il socota. فِيهَا سُرُرٌ مَّرْفُوعَةٌ (Al-Gashiya - 13) iyo Sariiro la koryeelay. وَأَكْوَابٌ مَّوْضُوعَةٌ (Al-Gashiya - 14) Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha). وَنَمَارِقُ مَصْفُوفَةٌ (Al-Gashiya - 15) Iyo Barkimooyin la safay. وَزَرَابِيُّ مَبْثُوثَةٌ (Al-Gashiya - 16) Iyo gogol la fidiyay. أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى الْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ (Al-Gashiya - 17) Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray. وَإِلَى السَّمَاءِ كَيْفَ رُفِعَتْ (Al-Gashiya - 18) Iyo sida Samada loo koryeelay. وَإِلَى الْجِبَالِ كَيْفَ نُصِبَتْ (Al-Gashiya - 19) Iyo sida Ruuraha loo taagay, وَإِلَى الْأَرْضِ كَيْفَ سُطِحَتْ (Al-Gashiya - 20) Iyo sida dhulka loo fidiyay. فَذَكِّرْ إِنَّمَا أَنتَ مُذَكِّرٌ (Al-Gashiya - 21) Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow). لَّسْتَ عَلَيْهِم بِمُصَيْطِرٍ (Al-Gashiya - 22) Mana tihid mid xoog ku leh (qasab). إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ (Al-Gashiya - 23) Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa). فَيُعَذِّبُهُ اللَّهُ الْعَذَابَ الْأَكْبَرَ (Al-Gashiya - 24) Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn. إِنَّ إِلَيْنَا إِيَابَهُمْ (Al-Gashiya - 25) Xagganagayna u soo noqon (khalqigu). ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا حِسَابَهُم (Al-Gashiya - 26) Annagaana xisaabin.
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily