View in Telegram
TAFSIIRKA QURANKA
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista وَالْفَجْرِ (Al-Fajr - 1) Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga. وَلَيَالٍ عَشْرٍ (Al-Fajr - 2) Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo). وَالشَّفْعِ وَالْوَتْرِ (Al-Fajr - 3) Iyo Tirada siman iyo tan is dheer. وَاللَّيْلِ إِذَا يَسْرِ (Al-Fajr - 4) Iyo Habeenku markuu tagayu. هَلْ فِي ذَٰلِكَ قَسَمٌ لِّذِي حِجْرٍ (Al-Fajr - 5) Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh. أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ (Al-Fajr - 6) Ma ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad. إِرَمَ ذَاتِ الْعِمَادِ (Al-Fajr - 7) Ee ahaa Irama xooggana lahaa. الَّتِي لَمْ يُخْلَقْ مِثْلُهَا فِي الْبِلَادِ (Al-Fajr - 8) Wax la mid ahna aan iugu abuurin dhulka. وَثَمُودَ الَّذِينَ جَابُوا الصَّخْرَ بِالْوَادِ (Al-Fajr - 9) Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga. وَفِرْعَوْنَ ذِي الْأَوْتَادِ (Al-Fajr - 10) lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa. الَّذِينَ طَغَوْا فِي الْبِلَادِ (Al-Fajr - 11) kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka. فَأَكْثَرُوا فِيهَا الْفَسَادَ (Al-Fajr - 12) 12 Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka. فَصَبَّ عَلَيْهِمْ رَبُّكَ سَوْطَ عَذَابٍ (Al-Fajr - 13) Markaasaana Eeba ku shubay Caddibaad daran. إِنَّ رَبَّكَ لَبِالْمِرْصَادِ (Al-Fajr - 14) Maxaayeelay Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta). فَأَمَّا الْإِنسَانُ إِذَا مَا ابْتَلَاهُ رَبُّهُ فَأَكْرَمَهُ وَنَعَّمَهُ فَيَقُولُ رَبِّي أَكْرَمَنِ (Al-Fajr - 15) Marks Eebe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani). وَأَمَّا إِذَا مَا ابْتَلَاهُ فَقَدَرَ عَلَيْهِ رِزْقَهُ فَيَقُولُ رَبِّي أَهَانَنِ (Al-Fajr - 16) Haddiise Eebe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay. كَلَّا ۖ بَل لَّا تُكْرِمُونَ الْيَتِيمَ (Al-Fajr - 17) Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka. وَلَا تَحَاضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ الْمِسْكِينِ (Al-Fajr - 18) Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo. وَتَأْكُلُونَ التُّرَاثَ أَكْلًا لَّمًّا (Al-Fajr - 19) Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro. وَتُحِبُّونَ الْمَالَ حُبًّا جَمًّا (Al-Fajr - 20) Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran. كَلَّا إِذَا دُكَّتِ الْأَرْضُ دَكًّا دَكًّا (Al-Fajr - 21) Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo. وَجَاءَ رَبُّكَ وَالْمَلَكُ صَفًّا صَفًّا (Al-Fajr - 22) Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo safan. وَجِيءَ يَوْمَئِذٍ بِجَهَنَّمَ ۚ يَوْمَئِذٍ يَتَذَكَّرُ الْإِنسَانُ وَأَنَّىٰ لَهُ الذِّكْرَىٰ (Al-Fajr - 23) Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari.
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start