View in Telegram
TAFSIIRKA QURANKA
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista لَا أُقْسِمُ بِهَـٰذَا الْبَلَدِ (Al-Balad - 1) Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan». وَأَنتَ حِلٌّ بِهَـٰذَا الْبَلَدِ (Al-Balad - 2) Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda. وَوَالِدٍ وَمَا وَلَدَ (Al-Balad - 3) Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka». لَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ فِي كَبَدٍ (Al-Balad - 4) Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi). أَيَحْسَبُ أَن لَّن يَقْدِرَ عَلَيْهِ أَحَدٌ (Al-Balad - 5) Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku). يَقُولُ أَهْلَكْتُ مَالًا لُّبَدًا (Al-Balad - 6) Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado). أَيَحْسَبُ أَن لَّمْ يَرَهُ أَحَدٌ (Al-Balad - 7) Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin. أَلَمْ نَجْعَل لَّهُ عَيْنَيْنِ (Al-Balad - 8) Miyaannaan u yeelin Laba indhood. وَلِسَانًا وَشَفَتَيْنِ (Al-Balad - 9) Iyo Carrab iyo Laba bishimood. وَهَدَيْنَاهُ النَّجْدَيْنِ (Al-Balad - 10) Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka). فَلَا اقْتَحَمَ الْعَقَبَةَ (Al-Balad - 11) Ee Dadku muu jiidho Jiirta. وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْعَقَبَةُ (Al-Balad - 12) Ma taqaannaa Jiirta. فَكُّ رَقَبَةٍ (Al-Balad - 13) Waa qoor la xoreeyo. أَوْ إِطْعَامٌ فِي يَوْمٍ ذِي مَسْغَبَةٍ (Al-Balad - 14) Iyo cunno la siiyo maalin gaajo. يَتِيمًا ذَا مَقْرَبَةٍ (Al-Balad - 15) Agoon kuu dhaw. أَوْ مِسْكِينًا ذَا مَتْرَبَةٍ (Al-Balad - 16) Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed). ثُمَّ كَانَ مِنَ الَّذِينَ آمَنُوا وَتَوَاصَوْا بِالصَّبْرِ وَتَوَاصَوْا بِالْمَرْحَمَةِ (Al-Balad - 17) Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista. أُولَـٰئِكَ أَصْحَابُ الْمَيْمَنَةِ (Al-Balad - 18) Kuwaasina waa kuwa Midigta mari. وَالَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِنَا هُمْ أَصْحَابُ الْمَشْأَمَةِ (Al-Balad - 19) Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari. عَلَيْهِمْ نَارٌ مُّؤْصَدَةٌ (Al-Balad - 20) Waxaana lagu dabooli Naar.
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start