View in Telegram
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista وَالشَّمْسِ وَضُحَاهَا (Ash-Shams - 1) Eebe wuxuu ku dhaartay Qorraxda iyo Barqinkeeda. وَالْقَمَرِ إِذَا تَلَاهَا (Ash-Shams - 2) Iyo Dayuxu markuu Qorraxda raaco. وَالنَّهَارِ إِذَا جَلَّاهَا (Ash-Shams - 3) Iyo Maalintu markay ifiso. وَاللَّيْلِ إِذَا يَغْشَاهَا (Ash-Shams - 4) Iyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado). وَالسَّمَاءِ وَمَا بَنَاهَا (Ash-Shams - 5) Iyo Samada iyo say u dhisantahay. وَالْأَرْضِ وَمَا طَحَاهَا (Ash-Shams - 6) Iyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay. وَنَفْسٍ وَمَا سَوَّاهَا (Ash-Shams - 7) Iyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyay. فَأَلْهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقْوَاهَا (Ash-Shams - 8) Una tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba. قَدْ أَفْلَحَ مَن زَكَّاهَا (Ash-Shams - 9) Ee waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya. وَقَدْ خَابَ مَن دَسَّاهَا (Ash-Shams - 10) Waxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya. كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِطَغْوَاهَا (Ash-Shams - 11) Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis. إِذِ انبَعَثَ أَشْقَاهَا (Ash-Shams - 12) Marku tagay koodi xumaa (si uu hasha u dilo). فَقَالَ لَهُمْ رَسُولُ اللَّهِ نَاقَةَ اللَّهِ وَسُقْيَاهَا (Ash-Shams - 13) Oo Rasuulkii Eebana ku yidhi, iska daaya Hasha Eebe iyo Cabbideeda. فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمْدَمَ عَلَيْهِمْ رَبُّهُم بِذَنبِهِمْ فَسَوَّاهَا (Ash-Shams - 14) Wayna beeniyeen Rasuulkii Hashiina way Dileen markaasaa Eebe si daran u caddibay Dambigooda dartiis. وَلَا يَخَافُ عُقْبَاهَا (Ash-Shams - 15) Isagoon Eebe ka yaabaynin cidhib (iyo wax yeello)
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily