View in Telegram
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista وَاللَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰ (Al-Lail - 1) Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo. وَالنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ (Al-Lail - 2) Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto). وَمَا خَلَقَ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ (Al-Lail - 3) Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba. إِنَّ سَعْيَكُمْ لَشَتَّىٰ (Al-Lail - 4) In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay. فَأَمَّا مَنْ أَعْطَىٰ وَاتَّقَىٰ (Al-Lail - 5) Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada. وَصَدَّقَ بِالْحُسْنَىٰ (Al-Lail - 6) Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal). فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْيُسْرَىٰ (Al-Lail - 7) Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican). وَأَمَّا مَن بَخِلَ وَاسْتَغْنَىٰ (Al-Lail - 8) Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya». وَكَذَّبَ بِالْحُسْنَىٰ (Al-Lail - 9) Reeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal). فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْعُسْرَىٰ (Al-Lail - 10) Waxaan u fududaynaa Jidka xun. وَمَا يُغْنِي عَنْهُ مَالُهُ إِذَا تَرَدَّىٰ (Al-Lail - 11) Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo. إِنَّ عَلَيْنَا لَلْهُدَىٰ (Al-Lail - 12) Annagaa wax hanuuninna. وَإِنَّ لَنَا لَلْآخِرَةَ وَالْأُولَىٰ (Al-Lail - 13) Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh. فَأَنذَرْتُكُمْ نَارًا تَلَظَّىٰ (Al-Lail - 14) Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran. لَا يَصْلَاهَا إِلَّا الْأَشْقَى (Al-Lail - 15) Oosan galaynin Ruux xun mooyeen. الَّذِي كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ (Al-Lail - 16) Oo xaqa beeniyay jeedsadayna. وَسَيُجَنَّبُهَا الْأَتْقَى (Al-Lail - 17) Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada. الَّذِي يُؤْتِي مَالَهُ يَتَزَكَّىٰ (Al-Lail - 18) Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo. وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُ مِن نِّعْمَةٍ تُجْزَىٰ (Al-Lail - 19) Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin. إِلَّا ابْتِغَاءَ وَجْهِ رَبِّهِ الْأَعْلَىٰ (Al-Lail - 20) Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya. وَلَسَوْفَ يَرْضَىٰ (Al-Lail - 21) Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily