View in Telegram
TAFSIIRKA QURANKA
{بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ}, Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud Naxariista Tu gaarana naxariista وَٱلْعَـٰدِيَـٰتِ ضَبْحًا (Al-Aadiyaat-1) Eebe wuxuu ku dhaartay Fardaha Jahaadka u orda iyagoo qaylyi فَٱلْمُورِيَـٰتِ قَدْحًا ("Al-Aadiyaat-2) iyo kuwa dabka Qoobkooda ku ifiya (guuraha) فَٱلْمُغِيرَٰتِ صُبْحًا ("Al-Aadiyaat-3) Iyo kuwa Cadawga weerara Subaxdii فَأَثَرْنَ بِهِۦ نَقْعًا ("Al-Aadiyaat-4) Ee Boodhka kiciya فَوَسَطْنَ بِهِۦ جَمْعًا, (Al-Aadiyaat-5) Cadawgana dhexgala إِنَّ ٱلْإِنسَـٰنَ لِرَبِّهِۦ لَكَنُودٌ, (Al-aadiyaat-6) Ee Dadku Eebohood waa diideen( ku MadaxAdkaadeen) وَإِنَّهُۥ عَلَىٰ ذَٰلِكَ لَشَهِيدٌ, (Al-aadiyaat-7) Arrintaasna Dadku wuu ogyahay ( Markhaatuu ka yahay) وَإِنَّهُۥ لِحُبِّ ٱلْخَيْرِ لَشَدِيدٌ, (Al-aadiyaat-8) Dadkuna Xoola jacaylka waa ku daranyahay ۞ أَفَلَا يَعْلَمُ إِذَا بُعْثِرَ مَا فِى ٱلْقُبُورِ, (Al-aadiyaat-9) Miyuuna ogayn Marka Xabaalaha waxa ku jira la soo bixiyo وَحُصِّلَ مَا فِى ٱلصُّدُورِ, (Al-Aadiyaat-10) Laabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo إِنَّ رَبَّهُم بِهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّخَبِيرٌۢ, (Al-Aadiyaat-11) Eebohood Maalintaas ogyahay
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start