View in Telegram
Qaamuuska Qoraalka
SHEEKO MURTI LEH: Waxaa la wershaa in ay jireen saddex wiil oo saaxiibbo ah, midkood waxa uu kasoo jeeday qoys ladan oo xiddigaha laacaaya, laandheerannimo loogu ladhay, halka labada kale ay ahaayeen dadka aan xoolo badan loo xarayn, xilal fiiccanna lagu xurmayn, faras xamar ahna aan xakamaha weli sudhin. Hase ahaatee saaxiibkoodaa ayaa ahaa nin inan gobeed ah oo gasiinkiisa gacanta lala geliyo, in badan ayay gogoshiisa ku fadhiyeen gaawahana caanaha ku wada cabbayeen. Waxay maalmuhu sidaa ahaadaanba maalinbaa ay jirjir-cadka iska rogtay oo ninkii hodanka ahaa hagaasay, mid kamid ah labadii fara-madhnaana faa'iday oo fooxa qaaliga iyo fillooyinka dhaadheer inta uu isla helay fadhi wanaagsan iyo faanna Alle u furay. Ninkii wakhtigu tumaatiyey ayaa waxa uu maqlay in uu saaxiibkii tanaaday oo xoolo tis qaaday iyo xarrago taam ah Rabbi ku taageeray, inta uu soo raadiyey ayaa uu yimi qasrigiisii, waxa joojiyey waardiyihii waranka dheeraa isaga oo leh "war sugan aan kaaga keeno weliga guriga lehe halkan isku waabi" " hagaag iyo hawraar san" ayuu hanadkii si halhaleel ah hoos u yidhi. In yar dabadeedna waxa daaqad ka daymooday wiilkii daarta degganaa, markii uu aqoonsaday in uu yahay saaxiibkii oo sannaddo sillooni soleen, sagxaddana seexiyeen oo ay sida lafta hilibkii ka saafeen ayuu yidhi "celi ninkan", wiilkii ayaa si hungo iyo haydaaro ka muuqato dib u laabtay oo hoygii uu degganaa ku hagaagay. Intii uu sii socday ayaa saddex wiil oo summad fiican iyo suurad fayoobi ka muuqato ay kasoo hor bexeen, is haybsi iyo waa ina hebel dabadii raggii waxa ay soo saareen jawaan dheemman ah oo ay dheheen "waa dayn aabbahaa nagu lahaaye naga guddoon jaalle", judhadiiba waa uu Jeedaaliyey jeebkana waa uu ku hubsaday, isaga oo Allaha jaliilka ah u mahad-naqaaya. In yar kaddibna waxaa kasoo hor baxday hooyo ay ka muuqato haybadda hodannimadu iyo hannaankeedu, waxa ayna waydiisay in uu garanaayo haddii ay jiraan cid iibisa dheemmanta noocyadeeda kala duwan, waxa uu usoo bandhigay wixii uu hayey ee dheemman iyo luul ahayd, waxa ay ka gadatay xoogaa fiican oo u noqotay jidmar iyo jidiin. Wiilkii ilaahay waa u bullaaliyey waana u barakeeyey hantidiisii, maalin ayuuse xasuustay wiikii xumeeyey ee xaaladda adag xaggaa uga jeestay, markaasuu labadan meeris ee carabida ah u qoray una diray saaxiibkii, anaase kuu macnayne dheeho: صحِبتُ قوماٌ لئاماً لا وفــاء لهم ○ يُدعَون بين الورى بالمكرِ والحيلِ كانوا يجلونني مذ كنتُ رب غنى○ وحين أفلستُ عدُوني من الـجـهـلِ Gun abaarsataan waa' u galay gallado waawayne Goortaan ladnaa waxaan uqabay gobay ka jiiftaaye Ammintaan gasiin waayey bay iga dul guureen! Farriintaasi markii ay gaadhay saaxiibkii ayuu isna si dareen leh uga warramayaa sababta uu sidaa u yeelay iyo siyaabaha kalee uu saaxiibkii ugu abaal-guday, waxa uu yidhi: أما الثلاثةُ قد وافوك من قِـبَـلي○ ولـم تـكـن سـببـا إلا من الحيلِ أما من ابتاعت المرجان والدتي○ وأنت أنت أخي بل منتهى أملي وما طردناك من بخلٍ ومن قللٍ ○لكن عليك خشينا وقفة الخجلِ ○Isoo gaadhay saaxiibkayoow gocashadaadiiye ○Gurmadkaygu waatuu habeen guure kuu yimiye ○Duqdii gadatay waa hooyaday ina Garaadoow'e ○Gacornimona may iga ahayn galabti hawshiiye ○Weji-gabax inaad gubato baan gacalle diidaayey! Allaylehe saaxiibtinnimo gaamurtay waa taas. Dulucda sheekaduna waa nin iyo garaadkii. ◇◇DHAMMAAD◇◇
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start