View in Telegram
Dardaarankii nabiga ... 🧏 Rasuulka ayaa wuxuu soo maray ο·Ί Saxaaabigii ahaa cabdullahi ibnu mascuud (R.c) isaga oo murugaysan markaas ayuu ku yiri: cabdullaahiyoow murugta ha isku badin sababtoo ah wixii la qadaray way dhacayaan, risaqaaguna wuu kuu imaanayaa, wax walba oo kugu dhacayna ma ahayn wax aad ka baxsan kartoy, digniintuna qadarta waxba kama tarto. Raalli ahoow waad liibaanaysaaye, nafsaddaadana ha ku xambaarin wax aysan awoodin, adiga iyo aduunyadu naftaada culays ha ku noqonina, risaqaaga adiga ayaa leh adiga ayaana qaadanaya, xataa haddii aad ka cararto waxaa luguugu keenayaa gurigaaga iridkiisa. Waxa aadan adigu lahayn marnaba ma qaadan kartid xataa haddii insiga, jinniga iyo malaaigtu ay kugu garab siiyaan. πŸ™‚ Saxaabigii waynaa ee cumar binu khadaab wuxuu yiri: khayrka iyo wanaagga oo idil waxay ku jiraan qanaacada iyo raalli ahaanshaha ee haddii aad awooddo raalli ahaansha ku dedaal, haddii aadan awoodinna iska sabar oo adkayso.!! πŸ’―πŸŒΏπŸ“šβœ¨πŸ¦‹πŸ©ΆπŸ˜‡ β•­β”ˆβ”€β”€β”€β”€β”€β”€β”€β”€β”€β”€β”€β”€β”€β”€ β•°β”ˆβž€ - Zaxiibka nolosha πŸ‘€
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily