Afar boqol iyo konton-kun (450,000) oo qof ayaa isugu soo baxay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, si ay u cambaareeyaan duullaanka Israa’iil ee marinka Qasa, iyadoo isku soo baxyadu ay sii socon doonaan saddexda maalin ee fasaxa sannadka cusub oo ay u rogeen maalmo ay ku taageerraan dadka Qasa.