View in Telegram
Khalid Thoughts
Diyaarad ayaa ku burburtay meel u dhow garoonka diyaaradaha Stuttgart ee dalka Jarmalka, sida uu sheegay wargeyska BILD. Maalmahu waxay ahaayeen kuwo ay ka buuxaaan shilalka diyaaradaha, balse qiyaas wax ka yar labo toddobaad inay ku dhaceen shilalkan diyaaradeed; • Diyaarad laga leeyahay Brazil ayaa burburtay, waxaana ku geeriyooday 10 qof. •Diyaarad ay leedahay Asarbayjaan ayaa burburtay, 38 ayaa dhimatay, 29 kalena waa ka badbaadeen. •Diyaarad laga leeyahay Kuuriya Koonfureed ayaa shalay burburtay, 179 oo saarna kaliya 2 ayaa ka badbaaday. • Diyaaradda Canadian Airlines ayaa shil ku gashay garoon diyaaradeed gudaha Canada, ma jirin wax khasaaro nafeed ah. • Diyaaradda KLM ayaa lagu khasbay si deg deg ah ku degto, kaddib cilad wajahday gudaha dalka Norway. • Norwegian Air ayaa iyadana dhabaha ka baxday. • Diyaarad yar ayaa shalay ku burburtay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana ku geeriyooday duuliyihii Iyo qof la socday.
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start