Dumarka qaar ayaa u haysta in guusha iyo horumarka gabadha ay ku xerantahay in ay guriga ka baxdo oy safarto oy xor noqoto oy guriga iyo caruurtaba cidleyso oy sidi raga meel walba ka dhacdo, lkn sax maaha, imisaa baratay qur'aanka iyo axaadiista ayaga oo guryahooda jooga, imisaa mashaariic sameysatay oo ganacsato ah ayaga oon ubadkooda iyo gurigooda kasoo dhixin, imisaa aqoontooda uga faa'ideeyay dumar iyo rag badan ayaga oonan hal tilaab uga bixin magaalada ay joogaan, imisaa xirfado badan barteen ayaga oo gurigooda fadhiya.
Ha u maleyn gabadha gurigeeda joogta in ay bilaa camal tahay ama waqtigeeda aaney ka faa'ideysan, hana isku xerin banaan wareegidda iyo horumarka, waayo gabadhi hami leh meel walboo ay ku sugantahay ayey ku gaareysaa hamigeeda
🥰😘#marwo