View in Telegram
QALADAADKA AAN KA GALNO GUURKA Q/2AAD 10. Ma rabtid inaad dhaawacdo qogka aad Isla socotaan: Waa qalad weyn inaad aqbasho guursashada qof adigoo ka cabsanaya in hadaad diido ay waxyeelo soo gaadhto dareenkiisa. Haddii aad ogtahay inaadan is la jaanqaadi kareyn qofka aad guursaneyso waxaa kuu wanaagsan inaad faraha ka qaado intaad aqbali lahayd inaad la saldhigato, iska markaana aad boorsooyinka kala qaadan lahaydeen sanado yar kadib ama aad maalin kasta dagaalami lahaydeen. 11. Aaminsanaanta Is-waafaqsanaan dhinac kasta: Dadkoo dhan waxay ku hammiyaan inay nolol buuxda kula noolaadaan laamanayaashooda. Nasiib darro taasi marnaba ma dhacdo maadaama ay jiraan waqtiyo ay iskhilaafaan. Ma jiraan laba ruux oo bini’aadam ah oo wax kasta isku si u arko. Waa inaadan marnaba filan inaad ku noolaato nolol aan caqabado lahayn sababtoo ah guurarka ugu wanaagsan waxay wajahaan dhibaatooyin kala duwan. Waxa dhan ee aad u baahan tahay ayaa ah inaad isku diyaariso inaad wajahdo caqabadahaas. 12.Aaminsanaanta buuxinta baahi kasta: Ma ahan in wax kasta oo aad u baahan tahay ama aad dalbaneyso lagu siiyo. Ma jiro bini’aadam buuxin kara baahi kasta oo ay suurtagal tahay inaad qabto mar kasta. Mararka qaarkood waa inaad adiga buuxisaa baahiyahaaga ama aad ogolaataa inaan la buuxi Karin. 13. In lamaanahaagu masuul ka noqdo farxaddaada: Farxaddaada adiga ayay kugu xidhan tahay. Lamaanahaaga wuxuu masuul ka yahay farxaddiisa ama farxaddeeda. Waa inaad fahamtaa in lamaanahaagu uu had iyo jeer rabo inuu kaa farxiyo balse haka filan inuu mar kasta kaa farxiyo sababtoo ah ma dhacayso taas. 14. Ha noqon qof wax waliba kaligiis isla jecel/ kaligiis iska fekera: Haddii aad kaligaa iska fakari jirtay oo aad wax waliba isla jecleyd sanado badan kadibna aad guursato, waxay noqon kartaa la qabsasho adag in baahiyaha lamaanahaaga aad ka hormariso kuwaaga. Bini’aadamka waa kuwo iyaga kaliya iska fekera laakiin taasi kuuma noqoneyso marmarsiiyo ah inaadan mudnaan siinin baahiyaha dadka kale. Calaamadaha la eego arrintaan ayaa ah, wax wadaagis la’aan, isu tanaasul la’aan iyo inaad xitaa lamaanahaaga kula tartanto inuu noqdo mid shaqada iyo waalidnimada ku fiican. Dhaqankaan wuxuu lamaanahaaga kale dareensiinayaa inaadan rabin isla markaana uusan muhiim ahayn. 15. Iska ilaali wareega badan: Wareeggu wuxuu lamaanaha ka dhex dhaliyaa isfaham waa iyo shaki. Lamaane wareeg badan kama qeyb qaadan karo yagleelidda qoys waxayna arrintaan sababeysaa furriin. Xiriirka kaala dhexeeya lamaanahaaga mar waliba halis ayuu ku jiraa haddii aadan iska dhaafin dabeecaddaan. Waqtigaaga sii qoyskaaga haddii aad rabtid in guurkaagu shaqeeyo. 16. Dad xun hala socon: Waxaa jirta oraah odhaneysa, ‘qofkaa rabtid inaad barato saaxiibkiis ayaa la fiirshaa’. Maahmaahdaan waxay kaloo quseysaa guurka. Saaxiibada aad la soctid ayaa inta badan qeexi doona waxaad sameyso. Iska ilaali saaxiibada mar waliba kugu marin habaabin doona inaad sameysid waxyaabo burburin kara guurkaaga. Saaxiibada wanaagsan waa kuwo mar kasta ku dhiiri geliya isla markaana ku garab taagan waqtiyadaaad u baahan tahay. 17. Iska ilaali beenta: Mar haddii beenta ay badato xiriirka wuu guuldareysanayaa. Haddii aad waxyaabo muhiim ah sida, lacag ama halka aad aado ka qariso lamaanahaaga waa dhibaato waxayna sababayaan khilaaf marka uu ogaado ama ay ogaato. Haddii lamaanahaagu ku aamini waayo waa musiibo weyn. @Qormooyiin
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily