View in Telegram
QALADAADKA AAN KA GALNO GUURKA Qormadan waxaan uga hadleynaa qodobo muhiim ah oo ay haboon tahay in isha lagu hayo waqtiga lagu jiro geediga ama sahanka guurka. Waxaana ka mida: 1. Kafiirsasho la’aan: lamaanayaasha qaar waa kuwo dabin u gala lamaane xun waxaana taas sabab u ah waxay dareemaan in midba midka kale uu rabo una baahan yahay iyaga oo aan ka fiirsan taxadar la’aan u aqbala guur. Hubi in qofkan kugu haboon yahay iyo in kale. 2. Waad neceb tahay inaad muddo dheer kalinimo ku noolaato: Inaad kalinimo ku noolaatid ma ahan dambi. Dhibkaan waa mid saameeya badanaa dhalinyarada. Marka uu guursado saaxiibkaa ama saaxiibadaa ayaad adna guursaneysaa. Qof kasta waqti ayuu leeyahay, waqtigaaga sug. 3. Aaminsanaanta in qofka la bedeli karo: waa mid kamid ah fikradaha ugu xun ee dhalinyarada badankooda halista galin kara isla markaana sababa inay dabinka ugu dhacaan qof xun. Dadka iyaga ayaa isbedeli kara marka ay doonaan ama ay rabaan. Guurka wuxuu qof ka dhigi karaa kaliya mid wanaagsan balse kama bedeli karo qofka uu yahay. 4.Guurso markaad la kulanto qofka saxda ah ee kugu haboon: La kulanka qofka kugu haboon waa waddo dheer oo lagu ogaanayo guusha iyo guul darada guurka. Waad jeclaan kartaa qofka aanan kugu habooneyn adigoo ugu dambeyn ku dhammeysanaya shalaay iyo dhibaato. Waxaad u baahan tahay inaad guursato qofka saxda ah ee kugu haboon si guurkaaga aadan uga shalaayin. 5. Hubi inaad diyaar u noqotey inaad masuuliyad qaado: Sida aan horey kusoo xusnay guurka waa heshiis aad u weyn, guurka wuxuu la yimaadaa masuuliyad badan. Ninka kaalin ayuu ku leeyahay masuuliyaddaas halka ay haweeneyda sidoo kale masuuliyad ku leedahay, haddii aadan diyaar u ahayn masuuliyaddaas culeys badan ayaa ku saarmaya guurkaagana waa mid burburaya. 6. Hubi inaad hubto dareenkaaga: Waa inaad hubtaa iney ku haysoinaad dhisto qoys wanaagsan balse aysan hamad uun ku heyn, micnaha guurku waa inuu kaa noqdaa mid dhab ah isla markaana guurka uusan kugu riixin hamad uun, sababtoo ah markaad hamad darteed u guursato oo hamadii kaa jabto guurka in yar ka diba, guurku wuu burburaa sababtoo ah waad neceysaa xaajiyadda oo hamad uun baa ku heysay. Waa inaad hubisaa inaadan u guursaneyn sabab qalad ah isla markaana aad noqotaa qof mustaqbal raba. 7. Ma tahay wax-garad?: guurku wuxuu u baahan yahay waxgaradnimo si uu uguuleysto, si kastaba, guurka waa mid u baahan waxgaradnimo aad ah si uu uga gudbo marxaladaha adag. Inaad noqoto qof faham leh oo dulqaad leh waxay u baahan tahay waxgaradnimo. 8. Waxaad ka cabsaneysaa kalinimo: Kalinimadu waa sax way xun tahay balse inaad u guursato si aad uga baxdo kalinimada uun waa qalad, sababtoo ah waxaad guursaneysaa qof aan kugu habooneyn si aad wehel u hesho. Qof kasta kuguma haboona sababtoo ah waxaad lugaha la gali kartaa qof dhibaato kuu horseeda. Waxaa intaas dheer in qofna uusan farxad ka heli doonin la joogaaga haddii aadan adigu ku faraxsaneyn kalinimadaada. 9. Saaxiibadaa oo dhan way guursadeen: Ha u maleyn inaad kaligaa hadhtay marka saaxiibadaa dhan ay wada guursadaan. Xaqiiqda ah inaadan guursan ayaa waxay ka dhigan tahay inaan waqtigaagi wali la gaadhin. Way wanaagsan tahay haddii aad tahay qofka ugu dambeeya ee guursada intaad noqon lahayd qofka ugu horeeya ee la furo. Hadaba, waxaad sugi kartaa saaxiibadaa si ay kuu siiyaan talo ku aadan qibradahooda guurka oo kaa caawin doona inaad raadsato qofka wanaagsan. Xigasho. La soco qayb labaad @Qormooyiin
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily