🐦🔥🔥❤️🔥
“Way dhimatayaa!!!, Ma dhabay ka ahayd,
Dhalanteed baan moodayee” ereyadan iyo ereyo
kale oo dadka dhegahooda saamayn ku yeeshay
ayuu ku hadaaqayay isagoo leh;
• Ma dhabaa warkani dhiilada watee
• Dhegahaygu maqleen ma dhabaa aheyd
• Way dhimatayoo iilbaa la dhigay
• Ma dhabaa midaan aan dhur sugayay baa
• Kala dheelmanoo ay dhaceen markale
• Dhaayihii jeclaa inay soo dheehdaan
• Muddan dhayal sadoo aan ku dheelayee
• Dhaxaan cidlada aan ku dhaafayee
• Hadday dhimatay tii anna kama dhacee
• Qalbi dhaawacmaan dhakhtar dhayi kareyn.