Su'aasheena maantay
❓
Salaada ma in aynu tukano kaliya ayaa la ina faray?
Sida aynu wada ognahay salaadu waa tiirka laab amaba albaabka labaad ee diinteena suuban ee islaamka, waajibnimadeedu waa sadar muuqado oo su'aal ka dhan, laakiin waxaa maskaxdeyda ka bxi waayay oo hurdana iidiiday, salaadu ma tukasho kaliya la ina faray mise, arimo kale oo waajib ah ayaa ku daahsoon, hadaysa jiraanba maxaa ay yihiin arimahaas.
Mudu sanooyin ah oo ay maankeygu ku soo noqnoqoneesay su'aashan ayaan ugu dambeen xaqiiqsaday" yaqiinsaday" amaba xog ogaal unoqday in salaadu tukasho qura anay waajibku ahayn oo ay jiraan arrimo waa weyn oo ku daba feelan haba loo oogi lahaa iyo sida uu Eebbe kor ahaaye ina faray .
Hadaba sida waayadan dambe aynu xog ogaalka unahay, haday noqoto umadeenan Soomaaliyeed amaba umadaha islaamka ahiba, waxa ay salaadu ka noqotay aktooda caado ama dhaqan oo ay iska kala dhaxleen jiilal badan oo waqtiyo kala gadisan noolaa.
Waxba aniga oon hadalka sii badin hadii aan soo koobo Mowduucan dhurkiisu《nuxurkiisu 》
● salaadu kaliya waajibkeedu maaha tukasho
● salaadu waxay ku waajib tahay ruux walba oo muslim ah,
Marka aan saan leeyahay waxaan ula jeedaa waxaan arkay amaba dareensanahay in duul badan oo aan ogeen in ay waajib ku tahay jiraan .
● salaadu maaha dhaqan ama caado: Marka aan saan leeyahay waxaan arkaa dad badan oo aan xilba iska saarin dhaqdhaqda oo tukado wax aan lagu tilmaami karin salaad taasooy u sii dheer tahay aqoon li' ay ka qabaan gudashadeeda.
● salaadu kaliya maaha tukasho bale waxaa kugu waajib ah in aad jamaca aado taasooy ka dhalan karto kolka la aqimo amaba ay salaadu istaaqto in xitaa baycu xaaraan noqon karo sida uu yiri "SHEEKH MUSTAFE " Alle inoo xafidee
◇ sida ay salaadu lagamamaarmaan u tahay in waqtigeeda lagu ilaaliyo ayaan waxaan ka dheehday in badan oo ku tubta Fiqi ka mid ah in qofka biyaha weysada haysan in uu gabagabeesto " Booreesto" qofka ciida aan heili karina uu tukado si uu waqtigeeda u dhaafin oo uu dibna ka soo celiyo
FG: jamacuna waa waajib sida aad ka garan karto aayada uu Eebe "SW" oga hadalay xiliga jihaadka lagu jiro qaabka loo oogi lahaa, hadii iyada oo uu col jiro laga fursan waayey dee maxaaba isku haray Eebbe weynaaye waxa uu yiri
﴿ وَإِذَا كُنتَ فِيهِمْ فَأَقَمْتَ لَهُمُ الصَّلَاةَ فَلْتَقُمْ طَائِفَةٌ مِّنْهُم مَّعَكَ وَلْيَأْخُذُوا أَسْلِحَتَهُمْ فَإِذَا سَجَدُوا فَلْيَكُونُوا مِن وَرَائِكُمْ وَلْتَأْتِ طَائِفَةٌ أُخْرَىٰ لَمْ يُصَلُّوا فَلْيُصَلُّوا مَعَكَ وَلْيَأْخُذُوا حِذْرَهُمْ وَأَسْلِحَتَهُمْ ۗ وَدَّ الَّذِينَ كَفَرُوا لَوْ تَغْفُلُونَ عَنْ أَسْلِحَتِكُمْ وَأَمْتِعَتِكُمْ فَيَمِيلُونَ عَلَيْكُم مَّيْلَةً وَاحِدَةً ۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ إِن كَانَ بِكُمْ أَذًى مِّن مَّطَرٍ أَوْ كُنتُم مَّرْضَىٰ أَن تَضَعُوا أَسْلِحَتَكُمْ ۖ وَخُذُوا حِذْرَكُمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ أَعَدَّ لِلْكَافِرِينَ عَذَابًا مُّهِينًا﴾
[ سورة النساء: 102]
@DoobirSOM