Waanku salaamay saaxiib.
Waxa uu odhanayaa zorba-ha riwaayadda ku jiraa ,dadka qaar waa xor madax bannaan ,in badanina waxa ay isu maleeyaan in ay xor yihiin maadaama ay arkeen qoolkii oo qoortooda kayara debcay!
I rumayso haddii aan ku iraahdo, qofku wuxuu helayaa xorriyad u dhiganta hadba inta uu ilaahay addoon u noqdo.
Markasta oo uu qofku hal jaranjaro kor u fuulo addoonimada uu rabbigii isu dhuldhigayo ,ruuxdiisa ayaa kor u fanata jaranjarada xornimada.
Liddiguna waa sidoo kale oo markasta oo uu qofku ka fogaado addoonimada Rabbigiis , wax kale ayuu addoon u noqdaa !.
Khasab maahan in aad wax u sujuuddo si aad addoon ugu noqoto, ee waxaa kugu filan in aad noqoto maxbuus waxaas u xidhxidhan uun.
Xilku mar ayuu qofka macbuud u noqonayaa, Hantiduna mar ayey qofka ilaah u noqonaysaa yaanu uba sajuudin'e .
Caadooyinka iyo dhaqannadana sidoo kale way dhacdaa in ay mar dadku ilaah ka dhigtaan.
Saaxiib ;dadka waxaa ugu xorriyad badnaa nebiyadii , maadaama ay ahaayeen kuwa ugu addoonimada badnaa dhanka rabbigood.
Innaguna markasta oo aanu ka ag dhawaano heerkaas iimaanka nebiyada, waa aynu xoroobaynaa.
Marka aan u fiirsado sooyaalka bilaal binu rabaax, waxa aan dareemaa in uu dhaaday dhadhanka xorriyadda ,ka hor intii aanu Abuubakar gadan oo aanu xoraynin.
Isla markii uu bilaal iimaanka la yimidba ,ruuxdiisa wuu ka furfurmay dabarkii addoonimada waxaana uu noqday xor madax bannaan!.
Markii uu Umaya ibnu khalaf inta uu dharka ka feydey dul jiifiyey ciidda kulul ee Maka, ee uu karbaashka iyo jeedalka la dhacayey si uu uga soo laabto diinta Nabi Muxammad scw isaguna uu sida cariigsiga iyo qaneecada leh u lahaa "AXad! Axad!"markaas Umaya jirkiisa oo keliya buu lahaa bilaalna ruuxdiisa isaga ayaa lahaa .
Xorriyadduba waa in uu qofku ruuxdiisa hantiyo .
Abuubakar waxa keliya ee uu sameeyey waa in uu siiyey Bilaal rasiidh uu jirkiisa kaga xorreeyey addoonimada .
Ruuxdase bilaal iimaankiisa ayuu ku xoreeyey in badan ka hor xornimada jirkiisa .
Nabaadiino saaxiib.