Sanadkii 2024 iyo wixii aan ka barti
Sanadkaan wuxuu isku jiri sanad wado casharo xun iyo guwo wanaagsan, waxaan barti dad badan oo wanaagsan iyo dad xun. Sanadkaan dhaxdiisa waxaa isbari xirfado cusub.
Horumar iyo guulo: sanadkaan waxaan gaari guulo dhinacyo kala duwan ah
Caqabado: wax walbo waxa ay leeyihiin caqabado, qabadahaasna waxay ubaahan yihiin sidee looga gudbilahaa in aad isku diyaarisid si aad oga gudubtid kuwo qaar waad ku guuleysii inaad ga kudubtid kuwo galena Maga guulaysan doontid oo waxaa laga yaaba in ay qeer kuugu jirto in aadan ga kudbin qabadahaas
Waxyaabaha aan bartay ?
•Dadka qaar in ay noloshaada ku siijiri doonin, laakiin ay ku siinayaan casharo muhiim ah kohor inta aysan kaa tagin
•Hormarku in uu yahay mid ku yimaado dulqaad iyo shaqo adag, guushu maaha wax deg deg lagu Heli
• In ay mahatnaqidu tahay waxa yar ee aad heysato waa furu muhiim ah oo nolosha laga Helo, Marar badan waxaan ku mashquul sanahay waxa inaga maqan aniga oo aan arkin wax qiimo leh ee aan heysano
• Nolosha waa sida badda, mar wey dagan tahay, marna wey kacsan tahay, waa in aan barano inaan udul qaadano duruuf kasta oo na soo wajaho
Guulaha aan gaaray Sanadkaan wuxuu ahaa mid aan dib u eegay nafteyda bartay xrfado cusub, Kuna dadaalay in aan nafteyda ku dhiso aqoon iyo Hal abuur waxa aan awood uyeeshay in aan fahmo muhiimada waqtiga, waana bartay in guulaha waaweyn ay ka bilaawdaan talaabooyin yaryar
Xanuunka aan ka bartay xanuunku wuxuu inoqday macalin dhibaatooyin ka aan la kulmay waxay iga caawiyeen in aan noqdo qof dulaaq badan. Waxaan bartay in ay wanaagsan tahay in laga dago dadka aan ku ilaalin xasiloonidaada iyo qiimahaaga waxaan ogaaday in haddii qalbigaagu dumo, markale wuu soo kaban karaa haddii aad u ogalaado naftaada fursad cusub
Rajo iyo hididiilo cusub, inkastoo sanadkaan uu lahaa xanuun iyo guuldarrooyin haddana waxaan ku soo xirayaa mahatsanq iyo hididiilo, waxaan umahat cilinayaa Alle oo iseeyay awood aan ku maroon safarkeygii adkaa ee sanadkaan. Waxan ku rajo weynahay in 2025 uu noqon doono sanad iftiin leh, oo ay ka buuxdo fursado iyo farxad
Dhammaad
Sanadkaan waxuu iga dhigay qof adag sidii hore, qof ka rajo iyo mustaqbal wanaagsan, qof ka qaan-gaari qalbigiisa iyo maskaxdiisa. Mahatsanid 2024, waayo waxaad ii ahayd safar aan lailaawi karin
Tr 31/12/2024