View in Telegram
CAWAYSKA DHALINTA
đ
âď¸
Sidee naftaada loo jeclaadaa
1.Naftaada aqbal
â˘ogow in qof waliba uu leeyahay qaladaad iyo Tamar- darro. Ku qanac cida aa tahay hana isku dayin inaad isbarbar dhigto dadka gale
2.Naftaada ku xushme
â˘Naftaada si fiican ula dhaqan ku lahadal siwanaagsan oo dhiiragelin ah Marka aad naftaada kula sheegaysanayso, una istaag xuquuqdaada
3.waxyaabaha aad jeceshahay ku mashquul
â˘Samee waxyaabo aad xiisayso oo farxad kuu kiina, sida akhrinta,ciyaaraha ama waxyaabo kale oo hal abuur ah
4.is-daryeel
â˘jidhgaaga iyo maskaxdaada daryeel, cunto caafimaad leh cun,jimicsi samee, hurdo kugu filan seexo, oo xilliyada qaar nasasho qaado
5. Yeelo xuduud aan lagu soo dhaafi karin
â˘Baro inaad " May" tiraahdo Marka ay laga mamaarmaan tahay, oo ka fogow dadka ama xaaladaha waxyeellada leh
6.Hormar ka samee nolosha
â˘isku day inaad barato xirfado cusub ama naftaada u hormariso, waxbarashada joogtada ah waxay kordhisaa kalsoonida naftaada
7. Naftaada u dambi dhaaf
â˘Qalad kasta oo aad gashi isku cafi. Qof walba qalad wuu buu sameeya,lakiin muhiimadu waa inaad wax ka barato
8.Is-dhiirrigeli
â˘Is -xasuusi guulahaaga iyo waxyaabaha aad ka samaysay nolosha. U dabbaaldeg guulahaaga, xitaa haddii ay yaryihiin
9.Dadwanaagsan lasaaxiib
â˘La soco dad ku taageera oo wanaaggaaga raba, ka fogow dadka negaative ah ee ku niyad-jabiya
10. Samiryeelo
â˘Naftaada inaad jeclaato waa geed-socod waqti qaadanaya. Isku day inaad joogto u shaqayso oo arintaan oo aad dulqaad uyeelato
Share
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily
Start