View in Telegram
#Faylasuufka Talyaaniga ah, #Antonio Gramsci, wuxuu leeyahay: "Aqoonyahanku wuu dhintaa marka uu ka tago arrimaha bulshada iyo xilligiisa oo uu isku mashquuliyo nolol raaxo iyo madadaalo." Maanta, bulshada badankeedu waxay aqoonyahanka ku sifeysaa qof shahaadooyin sare haysta, sida PhD ama Master, iyagoo ku kooba fikradda aqoonyahanka warqadda shahaadadiisa oo magaca iyo sanadkii uu qalin-jebiyey ku qoran yihiin. Kadib, waxa aad arkeysaa inuu u ordo nolol raaxo iyo raaxaysi, isaga oo ka tagaya hawsha ugu muhiimsan oo ah: Inuu dadka ku baraarujiyo fikirro horumarineed oo dhisi kara bulsho aqoonta jecel, caqlina u adeegsan kara xalinta dhibaatooyinka. Waxa la arkay aqoonyahanno badan oo ka doortay nolol raaxo inay bulshada wax u qabtaan.☘🦋
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily