Bal Adigu Dib isku Xisaabi
waa side xaalkaaga ❓🤔🕐
Sufyaan Al-sawri❤️
Wabiyada fardawsa Alle ha ugu deeqee, caalimkii la odhan jiray Sufyaan Al-sawri ayaa waxa la sheegaa in uu u safray magaalada Basra ee ku taalla dalka Ciraaq,wuxuu cilmi u doontay caalimkii kale ee la odhan jiray Xamaad binu Salama, markuu Sufyaan gaadhay majliskii Xamaad binu Salama ayuu salaantii ka horraysiiyay baahidiisii oo wuxuu ku bilaabay su'aalo isagoo leh: Xamaadaw xadiiskiii caynkaa iyo caynkaa ahaa ii sheeg..." Markii xadiiskii uu Xamaad u sheegay ayuu Sufyaanna waajibkii uu su'aasha ka horraysiiyay intuu gutay ayuu gacanta u soo fidiyay Xamaad binu Salama oo uu salaamay, Xamaad binu Salamana intuu salaantii ka qaaday ayuu ku yidhi: Sufyaanaw, maxaad ii salaami wayday intaanad su'aasha I waydiinnin?" Sufyaan wuxuu ku jawaabay; "Waxaan ka baqay intaynnu salaanta ku mashquul-sannahay in uu midkeen dhinto oo uu wadku ina kala kexeeyo anigoon ka jahli bixin su'aashaan safarka dheer u soo galay."
Alla cajiibsanaa Kuwii Hore 🦋❤️🌸