Aqoonta Kaa maqan

#warda_gini
Канал
Логотип телеграм канала Aqoonta Kaa maqan
@Aqoonta_kaa_maqanПродвигать
11,24 тыс.
подписчиков
127
фото
16
видео
24
ссылки
WAXAD KA HELAYSAA 🪐 Daraasad 📖 Cilmi baadhis ⚠️ Xikmado 🌍 Dhiirigalin
8🦋 calaamadood oo ad ku garan karto qof ka introvert ka ah

1. Wa qof jecel kalinimada

2. Waxa uu necebyahay meelaha ay dadku iskugu imaadaan sida xafladaha ama aroosyada

3. Call in uu ku hadlo waxa uu ka door bidaa message ka

4. Marka uu asxaabtiisa uu waqti la qaadanayo iyo marka uu naftiisa waqti la qaadanayo waxa uu ku raaxaysta marka uu kaligii waqti qaadanayo halka marka uu asxaabtiisa waqti la qaadanayo uu ku dareemo boring iyo macno la.aan

5. Malaha asxaab badan xata waxa laga yaaba in aanu lahayn qof best friend u ah kaliya dadka dushaas un buu kala qosla

6. Dadka badankooda isma fahmaan kaliya waxay is fahmaan in yar

7. Waxa ay si farxad leh ula sheekaysan karaan kaliya qofka ay xoog isku fahmaan

8. Way adagtahay in aad sirahooda ogaato

Caqabada ugu wayn ee haysata dadka noocan ah waxa weeye in dadka ku hareeraysan ay isaga u haystaan qof kibir badan oo isla wayn

Sidoo kle dadkan way adagthy in ay helaan dad iyaga la fikir ah

Hadaba adiga maka mid tahay dadkan hadaad ka mid tahay love❤️ saar haadii aanad kamid ahayna like👍


#warda_gini
🦄5shay waliga qofna ha u sheegin

       1🦋 daciifnimadaada

       2🦋 qofkii hore ee aad ahayd )

       3🦋Guul darooyinkaaga

       4🦋wax yaabaha aad rabto in aad
samayso

       5🦋 qorshayaashaaga mustaqbalka


#Warda_Gini
Cilmi nafsi ahaan, dadka ad adayga muujiya ee qalafsanaantu ka muuqato hadaad jacayl kusoo hadal qadana ku odhanaya jacaylkiyo waxad ka sheekaynaysa waxay jacaylba aniga iguma dhacee

Dadkaasi Waa dad in badan ay noloshu xanuun marisay waana kuwa ugu qalbiga jilicdasan

Hal mid ayay dheeryihiin dadka kale waa geesinimo iyo in aanay jeclayn in ay dadka kale dareenkooda iyo dhibatooyinkooda la wadaagan
Lagamana yaabo in aad wajigooda ka dareento hal murug ama hal xanuun ah iyada oo laga yaabo murugta qalbigooda buuxisay in aanay tiro lahayn!!

Hadaba adiga maka mid tahay dadkan hadii aad kamid tahay love❤️ saar


#warda_Gini
In aad fikrad kasta oo wanagsan oo maskaxdaada ku soo dhacda isla marka ay maskaxdaada kusoo dhacdoba aad ku dhaqaaqdo mxaa kaa hortaagan!?


Dabcan Cajisnimo iyo dip u dhigis! Right¿¿



#Warda_Gini
Waxa aad dajisanaysaa time table waxa aad odhanaysaa 30 daqiiqo kadib ayaan hawshaa qabanayaa waxa kaa awood badanaya taleefanka waxa aanad sii fadhinaysaa 1 ama 2 saac waxana laga yaabaa in aad hawshii sidaa ku daysaba sida aad time ba time ugu daraysay

Iisheeg bal Sidee plan qorshe ama hadaf kuu qorshaysan sanadaha soo socda aad uga rumayn kartaa hadiiba sacadaha soo socda qorshe aad dajisatay aanad siday tahay uga soo bixi karin hmm!


#Warda_Gini
Ma rabtaa in aad farxad dareento maalintaaduna ay kuugu dhamaato fir fircooni iyo fur furnaan

Kaliya hawlaha aad dib u dhigayso iska daa
Qabo hawsha isla marka ay maskaxdaada kusoo dhacdo waxba dib ha u dhigin waqti kaloo ku haboona hala sugin

Waxa hubaal ah in aad dareemayso nashaad iyo kalsooni
Ilayn wax hawl ah ba kuuma taalee!

#Warda_Gini
Daraasadani aniga oo saaka xiisad ku jira ayay si kadis ah iiga soo horbaxday

Maba xuma oo ha iga soo hor baxdee intii aan akhrinayay oo aan ku mashquulsanaa ayuu maclinku si kadis ah ii Kiciyay oo i waydiiyay su.aal ku saabsan isla casharkii hada la dhigayay

Waa aanan garan waayay iska daa in aan gartee waan isku dhex daatay ilayn taleefanka ku mashquulsanaaye
Waxanan dareemay inay ani igu socoto daraasadani

Sidoo kale waxa aan la yaabay sida ay xaaladuhu iskugu beeg beeg meen
Hadaba idinkuna ka faa.idaysta bal


Cilmibaadhis ay sameysay jaamacada Rutgers oo ay ku ogaaneyso saameynta uu ardeygu ku leeyahay in waqtiga casharada ee fasalka dhexdiisa uu ku mashquulo mobile-kiisa.

Hadaba ardeyda ayaa loo qaybiyey laba qaybood; qayb waqtigii casharka ku mashquuley mobile￾kooda iyo qayb casharka iyo sharaxiisa awooda saarey. Daraasadan ayaa lagu ogaadey in
qolada mobile-kooda ku mashquuley kala badh ay hoos u dhaceen dhibcaha imtixaankoodu.

Cilmibaadhistu waxa kale oo ay daaha ka feydey in ardeyda waqtiga casharka
iyo sharixiisu socdo ku mashquula mobile-kooda uu aad hoos ugu dhaco xifdigooda.

Rugters ayaa daraasadan ku sameysay 118 ardey oo dhigta cilmu nafsiga.kala badh ardeyda ayaa loo qaybiyey mobile iyo laabtoobyo, halka kala badhna aan waxba lasiin. Ardeydii ayaa lasiiyey
cashar isku mid ah, macalin isku mida iyo waqti isleeg.

Waxa cilmibaadhistani daaha ka feydey in ardeydii isticmaalaysay qalabka electroniga ah ay dhibcahoodu aad u hooseeyeen
islamarkaana fahankooda iyo xifdigooda mustaqbalka fog uu noqdey mid taban.

Ardeyga ayaa dareenkiisa oo dhan ku jeedinaya isticmaalka iyo wadwadka mobile-kiisa, halka uu diirada saari lahaa fahanka casharka iyo sharixiisa, taas oo aad hoos ugu dhigeysa fahanka iyo xifdiga mustaqbalka fog, arrinkan ayaa sidoo kale kala badh hoos u dhigaya dhibcaha uu ardeygu keenayo marka ay gaadho waqtiga imtixaanka.

#Warda_Gini
Waxa aan kuu sheegayaa hab fudud oo aad exkaaga ama ex taada ku ilaabi karto si dhakhso ah😁

Buug iyo qalin soo qaado kadibna warqad ku qor dhamaan xumaanta uu lahaa qofkaas xabad haka tagin wax kaste oo xumaan ah oo uu lahaa ku feegar warqada

Kadibna akhri malin kaste

Waxa hubaal ah in aad ilaabayso qofkaas ku dhaawacay isla markiiba waliba in aad u xiisto iska daaye aad uqaadayso nacayb xad dhaaf ah
Bal so tijaabi

#Warda_Gini
Akhriste waxa aan kuu sheegayaa qaacido yar oo aan aad u jeclahay kuna dhaqmo

"aduunka inta aad ku nooshahay qofna haka dhicin qofna ha iska dhaadhicin"

Qofka sida aad tahay kugu qaabili waayana iska fasax

Wxan uga jeedaa si aad qof iskaga dhaadhiciso ama aad usoo jiidato shaqsiyad aanad lahayn ha u samaysan adoo shaqsiyadaada dhabta ah daboolaya
Ha is tus tusin been ha sheegin hana iska dhigin wax aanad ahayn

Sido kle qofna haka dhicin waxan uga jeedaa dabeecadaada dhaqankaaga wax aad qaban jirtay ama wax aad jeceshahy ha uga tagin adoo is leh armay dadku wax qaldan kaa aaminaan ama kugu nacaan

Zxp qali Samee wixii ay farxadaadu ku jirto samee waxa aad ku qanacsantahay
Waxba kaama galin wixii ay dadku kaa aminayaan diid wixii aan kuu qalmin u noolow sida aad adigu raali kathy ilaahayna aan cadho galinayn

Naftaadana ha u dhibin oo ha u ciqaabin si aad qof adigoo kale ah iskaga dhaadhiciso ama aad u raali galiso
Ahaw original


#Warda_Gini
🪶Haddii dhallinyaranimo la ii celin lahaa maalin uun:

Waxa aan u noolaan lahaa sida dadka da'da ah.
Ayagu waxba u ma aabba-yeelaan, dan kama gelaan in ay dadka kale tusiyaan
waxa ay ayagu yihiin iyo in ay naftoodu difaacaan.

Waxa ay ka xoroobeen
madax-wareerka la tartamidda dadka, waxa ayna nool yihiin taaganta, ayaga oo
ka fogaaday in ay ka xanaaqaan wax yar iyo wax weynba.

Hadalkii ayay ka noogeen kolkaas ayay aamus door-bideen, is-dhexgalkiina waa ka daaleen
markaas ayay gooni-goosad noqdeen.
Hurdo dheer ayay qaataan, qalbiga
ayayna ka qoslaan, waxa ayna la nool yihiin il-biriqsigii ay haleelaan(taaganta),
ayaga oo yaqiinsan in uu yahay waqtigii ugu dambeeyay.

Waxa ay ka koreen dareenka xasadnimada iyo nacaybka waxa ayna doonayaan
in ay nabad ku noolaadaan inta noloshooda ka harsan.

W/Q: Ascad Dhaaha


#Warda_Gini
Kaalay xppty gabdhaha oo kaliya ayaan la hadlayaa ma caadi ayay kula tahay in wiilka aad xidhiidh ka la leedahay aad la wadaagto problems kaaga iyo problems ka familkaaga ka dhex dhaca

I dhagayso qalpi wiilkan shalay ayaad baratay arimahan aad uga sheekaynaysana bari uu kugu caayi karaa ama kugu nici karaa

Gaar ahaan waligaa ha uga sheekayn problems ka familkaaga ka dhex dhaca waayo iyagu waa familkaaga waligoodna way ahaanayaan ismana badalayaan
Balse wiilkan aad wax walpa oga sheekaynaysaa bari waa uu kaa dhaqaaqi karaa uu kugu ceebaysan karaa uu kugu yasi karaa

Waxaad arki gabadh shukaansi ku jirta waxay ka sheekaynayso ma taqaanaa hooyadaybaa sidan igu samaysay iyo walaashay ama walaalkaybaa waxaa igu idhi way i dulmiyeen ama way inecebyihiin

Waxa kalood arki mid kaloo leh iyadoo ka sheekaynaysa familkeeda hebel iyo heblaayo ayaa sidan iyo sidaa sameeyay hooyaday ayaa sidan tidhi yaa waxa kuu dirsaday

idhagayso gabadheey marka aad waxaas ka sheekaynayso ma hadalkiibaa dunida ka dhamaaday
Ta kale qofkan aad uga sheekaynayso miyanu bani aadam aad shalay baratay ahayn oo is badali kara mida kle ma problems kuu xaliya ayaa lagu idhi


Hppti aan si dagan kuula hadlo qofka aad shukaansanayso waa in aanu noloshaada wax badan ka aqoonin kaliya u sheeg in uu uqalmo
Haka bad badin Haduu kaa daremo murug ama xanaaq kaliya familka ayaan isku buuqsanahay dheh ha dhihin hooyaa san igu tidhi iyo walaalaa san igu sameyay
Mida kale yaan lagu gu sirin igu nafis
Ku dheh kaagama sheekayn kro
Ku darsoo qof cabasho badan cidina ma jecla

Mid kalana xasuusnaw sirahaaga khaaska ah marnaba hala wadaagin qofna
waxa aad ugu talo gashay in ay sir kuu ahaad sir hakuu ahaadaan fahamtum


#Warda_Gini
Hyperosmia: waa Xaalad naadir ah Taas oo qofka qabaa uu dhibsanayo urta qaarkeed urtaas oo ah mid udgoon ama mid qadhmuun

Waa xaalad dadka intooda badani aanay fahmsanayn dadka xaaladan qabaana waxa ay bulshada kala kulmaan caqabado badan
Sida in lagu jeesjeeso, in lala yaabo, in loo maleeyo in uu is kibrinayo, ama uu is yeel yeelayo

Hadaba xaaladani ma aha mid cilmi nafsi ahaaneed ee waa mid caafimaad daro hadii aan sharaxo
Qofka qaba xaaladani hyperosmia waxa qadhmuun u ah wax ay dadka kale caadi u arkaan ama ay udgoon u arkaan

Sida cadarta, waliba cadarta oo dhan maaha waa cadarta qaarkeed, shaanbooyada qaarkood, airfresh ta qaar keed iyo cuntooyinka qaar

Intabadan qofka qaba xaaladani marka uu sankiisu uu uriyo urtaas iyada oo ay dadku urtaas ay ku raaxaysanayaan hadana isagu aad ayaa uu u dhibsanayaa xaaladiisuna isla markaaba waa ay is badalaysaa

waxa uu ku dareemayaa urtaas yalaalugo, (lalabo) Dawakhaad iyo madax xanuun

Sidoo kale waxyaabaha dadka kale ay qadhmuunka u arkaan isagu qadhmuun oo kaliya uma arko ee waxa uu ku dareemayaa xanuunadan aan korka kuso xusay

Hyperosmia waxa sababa xanuuno uu ka mid yahay ((migrain)) dhanjafka iyo qaar kaloo badan

Hadaba ujeedada aan xaaladani idiinku soo gudbinayaa waxa weeye.
Dadka intooda badan ma fahamsana qofka xaaladan qabana xanuunkiisa kuma tix galiyaan inay la yaabaan ama ay ku qoslaan mooyee

Hadaba xaaladan aniga qoraalkan soo gudbinaya ayaa qaba
Waxa aanan bulshada kala kulmaa caqabadahaa aan kor kusoo xusay oodhan

Caqabada ugu badana waxay iga haysataa taxi ga aan jaamacada u raaco ninka taxi ga iska leh gaadhiga wax uu ku soo xidhaa wax isaga udgoon u ah oo uu gaadhiga ku udgooneynayo lkn aniga intaa aan taxi ga sii saaranahay waxa aan la tacaalayaa yalaalugo iyo in aan mataga isku celiyo

Ugu danbayn
Hadii aad la kulanto qof qaba xaaladani ha u malaynin in uu is yeelyeelayo ee ku tix gali xaaladiisa kana fogee wax yaabaha uu dhibsanayo sida cadarta iyo cuntooyinka qaar koodba sababtoo ah xanuunka uu dareemayo ma qiyaasi kartid

Ilaahayna haka dul qaado dhamaan inta uu hayo xanuunkan anigana iiso duceeya dhalin yaro


#Warda_Gini
🦋Hadii aad leedahay dhamaan shakhsiyadahan waxad leedahay shakhsiyad xoogan oo Naadir ah

1..matahay qof dadka raali galiya Hadii uu dareemo in uu khalad ka galay waliba stress ma dareentaa hadii aad rali galin waydo

2.. matahay qof hadii uu qof kale uu wax waydiisto sida caawimaad oo kale aan qofkaas diidi karin xataa hadii aanad awoodin hadana ma isku daydaa in aad caawiso waliba danbi ma dareenta hadii aad caawin waydo

3.. Ma tahay qof jecel in aanu bani aadamka kale aanu niyad jabinin

4.. matahay qof jecel in bani aadamka uu cawiyo xataa iyaga oo aan caawimaad ku waydiisan

5.. Matahay qof Caruurta yar-yar naxariis dareensiiya xataa hadii ay dariiqa kaaga soo horbaxan matahay mid u dhoola cadeeya Waliba salaama

6.. Matahay qof aan dadka iska waynaysiin
Hadii uu yar yahay iyo hadii uu waynyahayba kaliya ma ula dhaqantaa si isku mid ah oo ixtiraam leh

7.. Matahay qof qoraalkasta oo uu akhristo love ♥️ saara si. Uu qoraaga u dareensiiyo in uu qoraaladiisa xiisaynayo

✧Hadaba hadii ay jawaabahaagu yihiin haa oo aad leedahay shakhsiyadahan, kaliya love♥️saar si aad nogu cadayso shakhsiyadaada quruxda badan㋛︎


#Warda_Gini
☞︎︎︎ Daraasad ayaa sheegtay in marka aad seexanayso hadii aad useexato dhinaca midig in ay kaa caawinayso in aad xili hore soo toosto aroortii

☞︎︎︎ Sidoo kle waxay sheegtay in soo toosida aad kusoo toosto adiga oo dhinaca midig u jiifa ay kaa dhigto mid fir fircooni iyo farxsanaan ku dhamaysta malintiisaas

☞︎︎︎ Daraasad kale ayaa iyaduna waxay sheegtay in hadii aad dhinaca midig u seexato kadib marka aad kiniin liqdo in ay kaa Saacidayso ama kuu horseedyso in kiniinkaasi uu si dhekhso ah ugalo oo uu ugu milmo jidhkaaga



#Warda_Gini
Ma iswaydiin jirtay sababta marka aad hamaasato aad u ilmayso

Aniga xataa waan is waydiin jiray
Hadaba jawaabtu waatan➷

''marka aad hammaansaneysid waxaa contraction gala ama isu soo urura murqaha ku jira wajiga oo dhan
waxaa ka mid ah kuwa indhaha ku hareereysan, haddii kuwaasi ay contraction qaataan ama ay isu soo ururaan waxay cadaadis saarayaan qanjidhka ilmada ee ku jira isha iyo lafta sanka meesha ay iska galaan, kadib sidaas ayay ilmadu ku timaadaa fahamtum
Hye love❤️ saar hadaba

#Warda_Gini
Forwarded from CAJAA IBTA DUNIDA (Warda Hassan 💎)
Odhaah baa tidhaahda ii sheeg zaaxiibadaa iyo Cida aad waqtiga la qaadato waxa aan kuu sheegayaa waxa aad mustaqbalka noqon doonto

Dabcan waad fahmi kartaa

#Warda_Gini
Waan idin salaamay dhalinyaro
marar badan Ma is waydiisaa sababta aad u noqon laadahay qof tayo leh ama wax soo saar leh ama bulshada wax kusoo kordhiya?
Hadaba jawaabtu waatan➷

Hadii aynu dhalin yaro nahay
Horta ma ogtahay maskaxdeena waxa fikirka u diidan in uu yahay isticmaalka badan ee taleefanka sababtoo ah caqligii aynu ku fikiri lahayn waxa aynu ku mashquulinay Isticmaalka taleefanka iyo social media ha

Xagii looga baahnaa in aynu soo saarno hal abuur togan iyo fikrado macquul ah waxaynu mashquul ku nahay ku mashquulka siyaasada, daawashada aflaanta iyo waxyaabo kle oo aan muhiim inoo ahayn

Waa marka koowaade taleefanku wuxu inaga luminayaa waqtigii aynu ku fikiri lahayn oo aynu ku noqon lahayn dad wax soo saar leh

Waa marka labaade maskaxdii aynu ka shaqay siin lahaynba waxa ka dhex socda oo ka dhex guuxaya filimaantii iyo waxyaabihii aan mantoo dhan ku mashquul sanayn
Maskax mashquul ah miyaa hal abuur soo saaraysa ama fikir togan la imanaysa? waa may

Hadaba adiga ayaa lagaa rabaa sidii aad naftaada xal ugu keeni lahayd is badal na ula iman lahayd

Dhibaatada oo aad faham taana waa xalka badhkii

#Warda_Gini