Aqoonta Kaa maqan

Channel
Logo of the Telegram channel Aqoonta Kaa maqan
@Aqoonta_kaa_maqanPromote
11.24K
subscribers
127
photos
16
videos
24
links
WAXAD KA HELAYSAA ๐Ÿช Daraasad ๐Ÿ“– Cilmi baadhis โš ๏ธ Xikmado ๐ŸŒ Dhiirigalin
To first message
XIKMADO WAX BADAN KU TARI DOONA โœจ๐ŸŒฟ

1. Ogow qofka kuu sheega been si uu kuu qanciyo waa qof wali xushmad kuu haya sababto ah isago ku dhihi kara waan sameyay ee maxaa qaadi karta ayuu doortay in uu been kuu sheego si uu kuu qanciyo. ๐Ÿ’โ€โ™‚

2. Aarsigu ha noqdo xeelada ugu dambaysa ee aad isticmaasho marka uu qof ku xumeeyo, inta ka horeyso daji xaalada iskuna day in aad wanaajiso qofka ku xumeeyay waxa la arka in uu cafis ku waydiisto qaladkiisana qirto. ๐Ÿ˜Š

3. Ha noqon qof daciif ah oo liita sababtoo ah noloshu dadka daciifka ah si fudud ayay uga adkaataa kuwa adagna marka ay dhinacooda dhulka dhigi wayso ayay caawisaa. โšก๏ธ

4. Qofka kaaga sheekeya ceebaha dadka kale ku dheh bis iga jooji, intaas ku ekee sababtoo ah qofka maanta qof ceebihiisa kaaga sheekaynaya adigana barri in uu ceebahaga ka shekeeyo waxba lama ahan. ๐Ÿ‘Œ

5. Marka qof xiriir aad la ledahay uu kuu diido mobilekiisa in uu kuu furo ogoow kama dhigna in uu wax kaa qarinaayo ee waxaa jira shakhsiyaad aaminsan in qof walba xogtiisa ay amaano tahay wayo adiga in waxa aad is dhaafsataan qof kale ogaado ma jeclaan lahayn. ๐Ÿคž

6. In aad waydo qof, hanti, caafimaad, ama shaqo waa wax caadi ah oo nolosha ayaaba sidaas u samaysan balse waxaa nasiib darro ah in adiga oo intiiba waysanaa hadana aad sabri wayso oo ajirkii Alle siinayay dadka sabra hadana aad wayso. ๐Ÿ˜•

7. Mar walba xiriir joogto ah la yeelo Allaha wayn sababto ah marka dadka aad baahidaada u sheegato way kusii nacayaan balse marka aad Alle baahidaada u sheegato wuu ku sii jeclaanayaa. ๐Ÿ’ฏโœจ๏ธ๐Ÿ™‚

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค
Aad ayey u sahlan tahay in aad nolosha ku guuleysatid, haddii aad tahay qof aan laheyn wax xin, maseyr, iyo xaasidnimo ah.

Si aad u gaartid heerka aad rabtid, keliya la saaxiib dad kaaga wanaagsan waxa aad rabtid, adiga oo aan ka xumeyn, welibana qiraya in ay dadkaasi adiga kaa fiican yihiin.

Dhammaan dadka heer sare joogaa, waxa ay u badan yihiin dad deeqsiyiin ah, oo qalbi wanaagsan, weyna fududahay in ay ku caawiyaan, haddii aad adigu tahay qof gob ah, oo yaqaanna sida dadka loo kasbado.

La saaxiib dad kaa aqoon badan, dad kaa hanti badan, dad kaa caansan, dad kaa madaxsan, dad kaa cibaado badan iyo dad kaa saameyn badan, tusna in aad tahay qof bilaa naxli ah, iskuna day in aad dadkaas wanaajisid (do them a favour). ๐Ÿ’ฏ

Waad la yaabi doontaa, sida ay dadka wax heystaa deeqsiyiinta u yihiin, iyo sida ay u fududahay in ay kaa caawiyaan in aad heer gaartid. ๐Ÿซต

Adiga oo halgan ugu jira in aad guuleysatid, ha ku lug goโ€™in in aad kaashatid dad kaa hooseeya oo ka xun in aad kor u sii kacdid iyo dad kula siman oo tartan kugula jira. โค๏ธโœจ๏ธ๐Ÿ‘Œ

~ Subax wanaagsan dhalinyaro ๐Ÿค

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
๐—œ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ผ ๐˜๐—ฎ๐—น๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ๐—ป ๐˜„๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐˜„๐—น๐—น๐—ผ โค๏ธ

Haddaad rabto inaad salaadda faralka ah ilaaliso sunnneyaasha ilaali. ๐Ÿ’โ€โ™‚

Haddaad rabto inaad qalbigaaga ilaaliso Qur'aanka ilaali. ๐Ÿ’™

Haddaad rabto inaad caafimaad kaaga ilaaliso caddayga ilaali. ๐Ÿค

Haddaad rabto inaad qofnimadaada iyo jiritaankaaga ilaaliso akhlaaqdaada ilaali. ๐Ÿ‘Œ

Haddaad rabto inaad farxaddaada ilaaliso dikriga ilaali. ๐Ÿ“ฟ

Haddaad rabto in ducadaada la aqbalo xaaraanta iska ilaali. ๐Ÿฅฒ

Haddaad rabto inaad waxaad jeceshahay hesho ood hiigsigaaga oo dhan aad gaadho waalidkaa ilaali. ๐Ÿ˜Š

Hadaad rabto inaad qanaaco ku noolaato mahad-naqa rabi badso oo wixii nimco alle ku siiyey mahadnaqiisa ku ilaali. ๐Ÿ’ฏโœจ๏ธ๐Ÿคฒ๐Ÿป

~ Dheegasho ๐Ÿง

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค
๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป ๐—พ๐—ถ๐—ถ๐—บ๐—ผ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐˜„๐—ฎ๐—ธ๐—ต๐˜๐—ถ๐—ด๐—ฎ, โค๏ธ

1: ๐—ž๐—ฎ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ผ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ธ๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚ ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†, ๐˜€๐—ถ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ธ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ. ๐Ÿ‘Œ

2: ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐˜‚๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜… ๐—ฐ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ฏ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฎ๐—ป๐—ณ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ. ๐Ÿ˜ƒ

3: ๐—›๐—ฎ๐—ฏ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐˜„๐—ท๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐—ถ๐—บ๐—ฟ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ป๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ, ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—ป๐—ป๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—ด๐—ผ๐—ผ๐˜๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐˜† ๐—ฎ๐—น๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป๐—ป๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ป. ๐Ÿฅฒ

4: ๐—ช๐—ฎ๐—ธ๐—ต๐˜๐—ถ๐—ด๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ถ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—น๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ต๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ถ๐—ป ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐—ฟ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ. ๐Ÿ™‚

5: ๐—–๐—ถ๐—ฟ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ. ๐Ÿง

6: ๐—ข๐—ด๐—ผ๐˜„ ๐˜„๐—ฎ๐—ธ๐—ต๐˜๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐˜†๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ, ๐—ด๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐˜„๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐˜‚ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ. ๐Ÿ’โ€โ™‚

7: ๐——๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜†๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜๐—ฎ๐—ด๐˜๐—ผ ๐˜…๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐˜๐—ฎ ๐—บ๐—ฒ๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ ๐—ณ๐—ผ๐—ด ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฏ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ, ๐˜…๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐˜€ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฎ๐—ต ๐—ต๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ. ๐Ÿคฉ

8: ๐——๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜†๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ด๐˜‚' ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—พ๐—ผ ๐—ฎ๐—ต ๐—ผ๐—ผ ๐—ท๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—น ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ฐ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐˜†, ๐˜…๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ผ-๐—ท๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐˜…๐—ถ๐—น๐—น๐—ถ๐—ด๐—ถ๐—ถ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฟ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜…๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜‚๐—ป๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐˜…๐—ถ๐—น๐—น๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ด๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐˜„๐—ด๐—ฎ. ๐Ÿ‘ค

9: ๐—”๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ฏ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ผ ๐—ถ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ ๐—น๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ณ๐˜€๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ. ๐Ÿ“š

10: ๐—ž๐˜‚๐˜„๐—ถ๐—ถ ๐—ถ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐˜‚ ๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐—ป ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜‚ ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ป๐—ผ, ๐—ถ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜‚๐—ป๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐˜„๐—ฎ ๐—ถ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐˜๐˜‚๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฒ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ด๐˜€๐—ถ ๐˜‚๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ผ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ. ๐Ÿ’ฏ

~ ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐ž_๐๐ž๐ฒ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ก๐ข โœ๏ธ

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค
Maxaan sameeyaa maalinta carafa

Sifiican qoraalkan u akhriso dhaqan galina waad ku faaiidi dontaa insha allah

1 - Xilli hore seexo ๐Ÿ˜ด

2 - Suxuurta u kac ilaahay iyo malaaโ€™igtiisaba ruuxa suxuuranaya way u duceeyaan. ๐Ÿฅน

3 - Suxuurta kadib afar rakcadood tuko ilaahayna weydiiso kheyrka adduunyo iyo midka aakhiro iyo inuu maalinta carafa ku waafajiyo insha allah, ๐Ÿ’ฏ

4 - Kadib waxooga istiqfaarso si dadka xilliyadaas dembi dhaafka weydiista laguugu daro, ๐Ÿ˜Š

5 - Isku diyaari salaada subax, hadaad jamaacad ku tukan karto kaba fadli badan (ragga)), ๐Ÿ˜

6 - Weysayso oo dembi dhaaf u niyeyso intaad niyada soo xaadiriso, ๐Ÿ’œ

7 - Akhri ducooyinka weysada kadib, ๐Ÿซถ

8 - Ka daba akhri aadaanka xilliyada salaadaha, ๐Ÿงโ€โ™‚๏ธ

9 - Salaada subax kadib haka kicin meeshaad ku tukatay illaa cad ceedu soo baxayo, ๐Ÿ’

10 - Akhri qurโ€™aan salaada subax kadib ๐Ÿค—

11 - Salaada subax kadib ama shuruuqa hadad tukato laba rakcadood waa cumro dhamaystiran, โœจ

12 - Takbiirtii bilow salaada subax kadibba sidii rasuulka naga soo gaadhay sallallaahu calayhi wasallam.13. Ku Salliga rasuulka sallallaahu calayhi wasallam ha iloobin

14 - Akhriso adkaartii subaxda

15 - Ha iloobin inaad sadaqo la baxdo hadaad awoodo, โค๏ธ

16 - Iskuday inaad hawlaha xaafada ka caawiso intaan duhurka la gaadhin, ๐Ÿ™‚

17 - Duxadii tuko ugu yaraan laba rakcadood

18 - Waxaad kartaa maalintaas oo dhan inaynan sikin ku dhaafin ood soo jeedo iyo inaad laba saacadood seexato una niyooto inaad u nasanayso saad si fiican u cibaadaysato hadhaw, ๐Ÿ’–

17 - Kadib markaa duhurkii kutukato jamaacad xili horena masjidka siigal si aad sunihii faralka ka, horeeyay utukato.

18 - Badi ku cel celinta ducadaan ๐Ÿ‘‡

โ€Žู„ุง ุฅู„ู‡ ุฅู„ุง ุงู„ู„ู‡ ูˆุญุฏู‡ ู„ุง ุดุฑูŠูƒ ู„ู‡ุŒ ู„ู‡ ุงู„ู…ู„ูƒ ูˆู„ู‡ ุงู„ุญู…ุฏ ูˆู‡ูˆ ุนู„ู‰ ูƒู„ ุดูŠุก ู‚ุฏูŠุฑ

19 - Casarka tuko

20 - Adkaartii galabta akhriso

21 - Akhrinta Takbiir badan ha iloobin

22 - Si ,aadan uga caajisin cibaadaadka isku bad bedel, mar qurโ€™aan, mar duco, marna adkaarโ€ฆโ€ฆ. ๐Ÿ“ฟ

23 - Hana iloobin inaad xasuusataan eheladeenii dhamaan una duceysaan mawtaatkii dhintay, Waxaanan idiin rejeynayaa maalin wada cibaado iyo kheyr ah insha allah. ๐Ÿคโœจ๐Ÿคฒ๐Ÿป

~ Wixii su'aal ah commetiska noogu reeb wllo ๐Ÿ˜ƒ

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค
Nolosha aynu noolnahay sideedaba waa saddex bog oo kala ah :

*. Bog tagey
*. Bog socda (hadda).
*. Bog soos ocda.

1. Boga tagey waa mid ka kooban xumaan iyo Samaan labadaba, wax kaa hadhayna ma jiraan, aan ka aheyn xasuus macan iyo mid kharaar. ๐Ÿซค

2. Waxa jooga waa boga maalmaha aynu ku jirno, oo ah kuwo iskugu jira fudeyd iyo culeys, xanuun iyo raynrayn, guul iyo guul daro intaba, waana maalmo uu la tacaamulkoodu adiga ku sugayo, oo ay tahay in aad si xikmad leh u maareysid. ๐Ÿซฐ

3. Mustaqbalka oo ah malmaheena so socda, oo leh hami iyo rabitaan wada socda.

Hadaba ka yeel hadafkaaga ina wax ka barato wixii tagey, oo aad ka gudubto xanunkooda, sidoo kalena aad ku noolaato waqtiga la taaganyahay, oo aad si masuuliyad leh u noolaatid, adiga oo isla markaasna niyadsamaan ugu diyaar garoobaya maalmaha soo socda. ๐Ÿ’ฏ

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Naftaydaay ku dayo.! ๐ŸŒธโœจ๏ธ๐Ÿฅฒ

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค
๐Ÿค Ducayso aad guullo gaartide. ๐ŸŒธ

โ€œWaan ducaystoo waan guulaystay.โ€ ๐Ÿค—

Waxaan guulaytay marka aan bartay sida loo ducaysto. ๐Ÿซฐ

Waxaan bilaabay in aan ka dhigto ducada hub aan isku ilaaliyo iyo furaha aan ku furto qasnadaha qaar.

Ma malaysan kartid sida ducadu iigu dhaqtay jaran-jar aan kaga gud-bay buuro adag oo igu gadaam-naa.

Waxaan gaaray heer haddii uu shay-yar iga dhumo ama marka aan u baahdo inta anan raadin ba aan i raahdo yaa rabb wax hebel ayaan rabaa isla markiiba-na aan hello.

Ducadu waxay ii noqotay-ba hal hays afkayga aad buu u bartay waxaan gaaray heer aan sidaan waxkasta ilaahey ugu bandhigayey hadana in aan la sheekeysto ilaahey.,la qabsiga arinkaasi ka dib waxaan ku noolaaday (ุฑุงุญุฉ ุฏุงุฎู„ูŠุฉ). โค๏ธ

- [x] Si aad u noqoto addoon ilaahey ducadiisa aqbalo., waxaad u baahan-tahay in aad arimahaan la timaado.

1โ€ waxaa lama huraan ah in aad ka fogaato xaaraan oo dhan., xaaraantu way nuucyo badn tahay si kooban wax-kasta oo aan raali lagaaga ahayn haddii aad isticmaasho oo dani kuu gayso ilaa aad ka maarmi wayday u sheeg qofkii lahaa cafisna waydiiso.

2โ€ af-xumo oo dhan ka fogoow inta aad awooddo/in aad qof caaydo wax uusan raali ka ahayn aad ka sheegto xitaa adiga oo leh waan kaftamayey.

3โ€ dulmi oo dhan ka fogoow qofna ha dulmin qofka uu doono ha ahaadee., waxne ha xaman.

4โ€ ha fiirsan/dhagaysan waxyaabo anshax xumo ah oo aan ilaahey raali ka ahayn oo dhan.

5โ€ in aad ahaato qof wayso qabo aad iyo aad xoogga u saar.

6โ€ maalin walba istiqfaaraso inta aad awooddo./ุงุณุชุบูุงุฑ.

Wixii intaas ka soo hara oo dhan ilaahey ayaa si darajo darajo ah kuu gaarsiinaya qeyrka hormarkiisa oo dhan. ๐ŸŒบ

Intaas oo dhan inshaโ€™allaah waa sababka aqbalka ducadaada../salaadda waa basic oo haddii aadan taas xooga saarin wax kale in aad haleeshaa macquul ma ahan.

Qaabka loo ducaysto./baro xiliyada gaarka ah ee ducadu aqbal-keeda dhow yahay.

Xilli kasta ilaahey wuu noo dhawyahay wuuna aqbalayaa ducadeenna ilaahey idinkiis.

Baro ducooyinka aadka u waawayn iyo magacyada alle jalla wacalaa ee waawayn marwalba oo aad ducaysanayso qalbigaaga soo xaadiri,salliga nabiga ku bilaaw , ku xijji lahadalka ilaahey oo kala sheekeyso rabbigaa waxa gudahaaga ku jira oo dhan iyo waxyaabaha rabbigaa kuugu kaalmeeyey maalin aad rajjo laโ€™aan ahayd adiga oo isleh waxba ma toosayaan iyo sida ilaahey kaaga soo saaray rajjo laโ€™aantaas iyo mugdigii aad ku sugnayd.

Dabcan ilaahey waxwalba waa ogyahay u jeedku waa inad la sheekeysato rabbigaa.

Xaalkan aad ku wareersan tahay iyo in waayadan-ba waxba kuu hagaagayn howlahan kugu adag oo aysan jirin mid aad raaxo yar ku qabto kulligood culayska iyo killinimada aad ku dareemayso waxaad ka bixi doontaa maalinka aad barato ducada iyo sida loo ducaysto, maalinka aad ducada ka dhigato sida waraaq aad ku qorayso waayahaaga. ๐Ÿ’ฏ

๐ŸŒธ Inshaโ€™allaah ilaahey ha inaga dhamaanteen kuwa ku guulaysta aduun iyo aaqiraba. ๐Ÿคโ˜บ๏ธ

~ Naimo moalim โœ

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค
๐—ž๐˜‚ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น ๐—ถ๐—ป ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—พ๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ฑ ๐˜„๐—ฎ๐˜… ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฏ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ป๐—ผ๐—น๐—ผ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜€๐—ฎ๐—ป.

Qarso awoodahaaga rabbaaniga ah ee aysan dadku ogeyn. ๐Ÿค—

Qarso dadka qiimaha leh ee noloshaada ku jira. ๐Ÿค

Qarso waxyaalaha kaa farxiya ee aad heysatid. ๐Ÿคฉ

Qarso dadka ehelkaaga ah ee wanaagsan. ๐Ÿ˜Š

Qarso qofka gobta ah ee aad nolosha ama xiriirka wadaagtaan. โค๏ธโ€๐Ÿฉน

Qarso caruurta baarriga ah ee aad dhashay. ๐Ÿซฐ

Qarso ilaha dhaqaale ee aad heysatid. ๐Ÿ˜Œ

Qarso qorshayaasha waaweyn ee aad leedahay. ๐Ÿ‘

Qarso guulaha cajiib ka ah ee aad caqligaaga ku xaqiijisay. ๐Ÿ‘Œ

Qarso cibaadooyinkaaga joogtada ah ee Alle kuu fududeeyay. ๐Ÿค

Qarso dadka sida saaโ€™id ka ah kuu jecel, ee madaxa ku saarta. ๐Ÿ˜˜

Qarso ballanqaadyada waaweyn ee ay dadku kuu sameeyaan. ๐Ÿ˜‡

Qarso waxyaalaha dadka ku adag, ee adiga alle kuu sahlay. ๐Ÿ’ฏ

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค
9 Oraah Cajiib Ah

1. Mugdigu wuxuu na siinayaa fursad aan ku aragno nuurka yaryar ee nolosha." โœจ

2. Riyada waxaa loo abuuray si loo dhiso adduunyo aan hadda jirin." ๐Ÿง

3. Habeenku wuxuu ku qariyaa maalinta si aan u ogaano qiimaha iftiinka." ๐Ÿง

4. Dhagax kasta oo dhulka yaal wuxuu xambaarsan yahay sheeko aan weli la qorin." ๐Ÿ”ฅ

5. Haddii aad doonayso inaad fahamto waqtiga, la sheekayso saacad jaban." ๐Ÿ˜‰

6. Dabaysha ayaa siisa geedaha awood ay ku heesaan." ๐Ÿ™‚

7. Haddii aad rabto inaad ogaato sirta biyaha, la sheekayso doonta ku socota." ๐Ÿค“

8. Hadal yar oo xikmad leh ayaa ka qiimo badan buuq badan oo jaahilnimo ah." ๐Ÿ˜Œ

9. Haddii aad rabto inaad la hadasho badweynta, baro luqadda mowjadaha." ๐Ÿ’ฏ

~ love Ku Sagooti qoraalka. ๐Ÿ’œ


โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Adigoo og in aadan toosnayn.! ๐Ÿ’ฏโœจ๐Ÿง

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค
Jaaniska galabta.! ๐Ÿง

Qof kasta oo innaga mid ahi wuxuu doonayaa in uu helo wax kasta oo uu rabo, waxa aad rabtana waxa aad ku heli kartaa in Rabbi ku siiyo, in Rabbi ku siiyana waxa kaa xiga inaad waydiisato, aan kula wadaago afar jaanis ama arrimood oo kulmay oo baryadaada lagu aqbalayo isla jeerkaasna waxa aad doonayso aad ku helayso.

1. Waa Ramadaan, waynu soommanahay oo Ilaahay ayaynu u af xidhanahay, qofka Soomanna waxa uu sheegay Nebigu Scw inuu leeyahay duco la aqbalo oo aan la soo celin.

2. Waa Jimce, Maalinta Jimce saacad ayaa ku jirta, qofka muslimka ah ee saacaddaas la kulmaa wax kasta oo uu Ilaahay waydiisto ayuu helayaa sida Nebi Muxammad Scw ka sugan, waana saacadda u danbaysa maalinta Jimce. Waa saacaddan hadda aynu joogno ilaa maqrib laga eedaamayo.

3. Dheh Subxaanallaah 10jeer, Alxamdulilaah 10jeer, Allaahu akbar 10jeer kaddibna Ilaahay waxa aad doonto waydiiso waad helaysaa. Sidaas ayaa ka sugan Nebi Muxammad Scw xadiiska Umu Sulaym.

4. Salliga Nebiga Scw waxyaabaha laga helo waxa ka mid ah in haddii ducada laga horraysiiyo in ducadaas la aqbalayo, ninkii Nebiga Scw agtiisa ku ducaystay waa kii Nebigu Scw faray inuu Ilaahay mahadiyo, Nebigana Scw ku salliyo kaddibna waxa uu rabo Ilaahay waydiisto wuu helayaaye.

Warka oo kooban waa fursadโ€™e wax kasta oo aad gacanta ku hayso iska dhig oo afartaas isku darso galabta oo Jimce ah, haddana Ramadaan ah, saacaddii u danbaysay ah, ducaduna idam Alle waa maqbuula, ka horraysii ducadaada mahadnaqa Rabbi,
10jeer Subxaanallaah,
10jeer Alxamdulilaah,
10jeer Allaahu akbar, sidoo kalana Salliga Nebiga Scw ka horraysii, wax kasta oo aad niyadda ku haysana Rabbi waydiiso waad heli doontaaye. โค๏ธ

Ducayso, waalidkaa u ducee, ehel iyo asxaabba carrabka mari, dalka iyo dadkaba ha illaawin, Islaamka oo dhanna in Rabbi guuleeyo ku ducee. Anigana ducada igu dar. ๐Ÿ’ฏโœจ๐Ÿ˜Š

- W/Q : Xamse Cumar Kujoog

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค
8๐Ÿฆ‹ calaamadood oo ad ku garan karto qof ka introvert ka ah

1. Wa qof jecel kalinimada

2. Waxa uu necebyahay meelaha ay dadku iskugu imaadaan sida xafladaha ama aroosyada

3. Call in uu ku hadlo waxa uu ka door bidaa message ka

4. Marka uu asxaabtiisa uu waqti la qaadanayo iyo marka uu naftiisa waqti la qaadanayo waxa uu ku raaxaysta marka uu kaligii waqti qaadanayo halka marka uu asxaabtiisa waqti la qaadanayo uu ku dareemo boring iyo macno la.aan

5. Malaha asxaab badan xata waxa laga yaaba in aanu lahayn qof best friend u ah kaliya dadka dushaas un buu kala qosla

6. Dadka badankooda isma fahmaan kaliya waxay is fahmaan in yar

7. Waxa ay si farxad leh ula sheekaysan karaan kaliya qofka ay xoog isku fahmaan

8. Way adagtahay in aad sirahooda ogaato

Caqabada ugu wayn ee haysata dadka noocan ah waxa weeye in dadka ku hareeraysan ay isaga u haystaan qof kibir badan oo isla wayn

Sidoo kle dadkan way adagthy in ay helaan dad iyaga la fikir ah

Hadaba adiga maka mid tahay dadkan hadaad ka mid tahay loveโค๏ธ saar haadii aanad kamid ahayna like๐Ÿ‘


#warda_gini
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Barigii hore dadka channel lada telegram ka iska leh waan ka dhici jiray waxan moodi jiray in ay yihiin dad aan loo gali karin oo aqoon koobsaday oo wax kle ah
Marka commentiga reply la iisoo gali waayana waxan is dhihi jiray ala tolow malaha ma comment gaa gaanu ka helin๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚

Ilayn dadkuba waa anigoo kle๐Ÿคญ

Imika adigu maka jaakidhaa dadka telegram channels ka iska leh?
๐Ÿฆ„5shay waliga qofna ha u sheegin

       1๐Ÿฆ‹ daciifnimadaada

       2๐Ÿฆ‹ qofkii hore ee aad ahayd )

       3๐Ÿฆ‹Guul darooyinkaaga

       4๐Ÿฆ‹wax yaabaha aad rabto in aad
samayso

       5๐Ÿฆ‹ qorshayaashaaga mustaqbalka


#Warda_Gini
Bishani waa bishii Sadaqada iyo Quraanka. ๐Ÿง

Weynee qalbigaaga, oo caawi cid walba oo aad si uun u caawin kartid. โค๏ธ๐Ÿ™‚

Nadiifi ruuxdaada, oo isku day in aad xilli walba si toos ah ugu xirnaatid Rabbigii ku abuuray. ๐Ÿ’™๐Ÿซ€๐Ÿ˜ƒ

Mar walba oo uu mobile kaagu jaam dareemo, haddii aad reset u dirtid, si uu cusayb kii ugu laabto oo uu rebooting u sameeyo, bishani waa bishii aad naftaada reset u diri laheyd, si aad dib ugu heshid ruux nadiif ah, oo ka maran culaysyo badan oo nafsi ah. ๐Ÿ’ฏโœจ๐Ÿ˜‡

Ku darsoo, mar haddii aad ku dedaaleysid in aad iska goysid danbiyo hore oo aad sameyn jirtay, ma jirto sabab aad bishaan u bilowdid kuwo cusub, oo aadan awel caado u lahaan jirin. ๐Ÿ‘Œ

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค
Xikmado iyo dhiirigalin ๐Ÿ‚โšก๏ธ๐Ÿ˜Ž

Hadii Dadku Ku Hadli Lahaayeen Waxay Fahmaan
oo Kaliya Dhamaanteenu Waxay Noqon Lahayn Dad
Xikmada usaaxiib ah, Maxaa Yeelay Aamusku Waa
Xikmad iyo Awood.
๐ŸŒฟโœจ๐Ÿ˜

Karaamada iyo Sharafta Naftaada Waxay Ka
Sareeysaa Dhamaan Wax waliba , Qofna Ma Mudna
inaad isaga Dartiisa Naftaada uduleeyso walow hal Sikinba ha Ahaatee.
๐Ÿ€๐Ÿ”ฅ๐Ÿ˜‡

Wax Ka Qurux Badan Malahan inaad Ka Aamustid
Qofkaa Sugayey inaad Lamurantid, iyo inaad Ku
Qososhid Midkaa Filayey inaad Ooyi Doontid. โค๏ธ๐Ÿค

Haku Cadaadin Naftaada Dadka Doortey inay Kuu
Fahmaan Si Khaldan iskaga Tag Adiga oo Aamusan
Maalmaha Aduun Ayaa Ku Filan inay Tusiyaan
Qofka Aad Tahay , iyo Qofka Aad Ahaan Doonto. ๐Ÿ’ฏ๐Ÿ”ฅ๐Ÿ˜Œ

- Subax wangsan culimo ๐Ÿ’™

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค
More