Salaaddaπ€
Aabe ayaa ku soo qoray bartiisa Tuwiitarka:
"Salaadda aan u tukanno kaliya in aan waajibka iskaga ridno, ka sugi mayno in ay naga reebto xumaanta iyo macaasida ama ay noo xaqiijiso ducadeenna. Salaadda laga tukanaayo caqliga halka ruuxdu ay maqan tahay, kaliya waa sujuud iyo rukuuc qallalan oo aan wax saamayn ah lahayn."
Alla maxay erayadaasi dhab yihiin!
Waxaan ku fikiray arrinkaas, waxaana naftayda ku iri: "Haa, waxaa jira dad salaadda utukanaaya sidii ugu fiicanayd, balse saamaynteedii aysan ka muuqanayn dhaqamadooda iyo ficilladooda midna."
Waxaan is waydiiyay sababta. Se jawaabta maanta ayaan helay.
Salaaddu ma aha dhaqdhaqaaq jireed oo keliya, balse waa la kulan ruuxeed oo Rabbiga lala yeesho.
Nabigu ο·Ί wuxuu yiri:
"Marka uu addoonku ugu dhawyahay Rabbigiisa waa marka uu sujuudsan yahay."
Haddaba, sujuuddu ma aha keliya in madaxa la raariciyo, balse waa in qalbigu u hoggaansamo Rabbigiisa ka hor intaan jirku uusan dhaqaaqin.
Salaaddu ma aha hawl la gudanayo uun, balse waa tijaabo nololeed oo aad ku noolanayso iimaankaaga.
Haddii ruuxdaadu soo xaadirto salaadda dhexdeeda, xasilloonida iyo deganaanta ayaa ku soo xaadiraya noloshaada. β¨π
Haddii ay dhab kaa tahay hor istaagga aad Alle hor taagan tahay, marnaba ma noqonaysid mid u dullaysan shahwooyinkiisa iyo rabitaannadiisa. π§
Salaadda dhabta ah waxay sifaysaa ruuxda, waxayna reebtaa xumaha iyo munkarka. π₯²
Ma aha in dhaqdhqaaqa jirka oo keliya uu sidaas sameeyo, balse waa in ruuxda ku xiran Rabbigeeda ay noqoto mid ka sarraysa wax kasta oo wasaqaynaya. πβ¨β Ugu dambayntii :
Salaaddu ma aha keliya in aad waqtigeeda ilaaliso, balse waa in aad joogto ruux ahaan iyo nafsad ahaan, ilbiriqsi kasta oo salaadda dhexdeeda ah. πβ¨ Salaaddu waa nolol, ruuxaaguna waa nolosha salaaddaada. π€
ββββββββββββββββ
β°ββ€ - Zaxiibka nolosha π€